Muqdisho Sept 28,2012(SDN)- Wararka laga helayo dadka ku dhow madaxweynihii hore ee dowladda KMG Sheekh Shariif SHeekh Axmed ayaa sheegaya in Shariif SHeekh Axmed iyo qoyskiisa ay isku diyaarinayaan inay u guuraan dalka Uganda.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa deganaansho ay siisay dowladda Uganda, isagoo magaalada Kampala looga diyaariyay gurigii uu ka dagi lahaa.
Shariif sheikh Axmed iyo labadiisa xaas iyo caruurtiisa ayaa la sheegay in dowladda Uganda ay siisay magangalyo deganaansho ah, iyadoo magaalada Kampala guri ku yaalla la siiyay Shariif Sheekh Axmed halkaas oo uu ku noolaan doonno..
Madaxweynihii dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa saaxib kuo dhow ah Madaxweynaha Uganda Yewri Musavani kaas oo ka taliya dalka Uganda, waxaana madaxweynaha Uganda Yuweri uu ka caawiyay dowladdii shariif Sheekh Axmed dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka ammaanka.
Ma ahan madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya oo marka xilka ka dego uu u guuro dal kale, waxana horey sidaas u sameyay C/qaasim Salad Xasan oo ku nool Masar, C/laahi Yuusuf Axmed oo Yemen deganaansho laga siiyay laakin geeriyooday goor dambe ,iyadoo Shariif Sheekh Axmed ay deganaansho siisyay dowladda Uganda oo ciidamada ugu badan midowga afrika ay Somalia ka joogaan.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com