Wariyihii Lixaad oo lagu dilay Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Sept 28,2012(SDN)- Allaha u naxariistee maanta waxaa lagu dilay Magaalada Muqdsiho wariyihii lixaad oo Axmed Cabdullaahi Faarax oo kamid ahaa wariyayaasha ka howlgalo Magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan oo sitay dariiska Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay ku  toogteen Wariye Axmed Cabdullahi Faarax Degmada Dharkiiley ee Gobalka Banaadir waxaana la sheegay in dhowr xabadood ay uga dhufteen meelo halis ah.

Falka dilka markey geysteen kadib waxaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen lama sheegin in cid daba gal ku sameysay ragaasi muda kadib ayeey yimaadeen goobtii ay wax ka dhaceen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wariyaha la dilay ayaa waxa uu ka howlgali jiray wakaalada wararka SABA ee Dalka Yamen lama garanaayo sababta loo dilay wariyahaasi balse waxay qeyb ka tahay falalka amaan xumo ee ku soo korortay wayaadaan Magaalada Muqdisho.

Khamiistii ayey aheyd markii lagu dilay Magaalada Muqdisho Allaha u naxariistee wariye Maxamed Cabdiraxmaan Cali oo ka howlgali jiray Websityada Soomaalida kaasi oo qoorta laga jaray.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>