Kismaayo Sept 29,2012(SDN)- Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ay ka baxeen magaaladaasi.
Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay guud ahaan faarujiyeen magaalada Kismaayo halkaasi oo waayadii dambe ku adkeysaneysay inay difaaceyso.
Ka bixitaanka Xarakada Al Shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa yimid ka gadaal markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM gaar ahaana ciidamada Kenya ay gudaha u galeen magaaladaaasi.
Iska hor-imaad kooban oo halkaasi ka dhacay iyo duqeymo waxa ay keentay in Xarakada Al Shabaab ay halkaasi isaga baxdo sida goob joogayaal ay inoo xaqiijiyeen.
Lama oga halka ay Al-Shabaab qabteen waxaana haatana magaalada ku sugan ciidamada huwanta ah ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida uu VOA u xaqiijiyey Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumed.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com