Boob iyo bililiqo ka bilowday Kismaayo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo Sept 29,2012(SDN)-  Sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose, waxaa shacabkii ku dhaqnaa halkaasi ay bililaqeysteen xarumihii Al Shabaab ay ku lahaayeen magaaladaasi.

Qof goob jooge ah ayaa xaqiijiyey in shacabka ay bililiqeysteen xarumihii Al-Shabaab ay ku lahaayeen magaaladaasi.

“Dadka ayaa mar qura waxa ay ku xoomeen xarumihii Al- habaab ay ka baxeen ee Kismaayo, waxa ay qaateen wax alaalle wixii meesha ay kaga tageen” Sidaa waxaa sheegay qof ku sugan Kismaayo.

Shacabka ayaa agabyadii ay ka tageen Al Shabaab gacanta ku dhigay kuwaasi oo yiilay fariisamihii Al Shabaab ay ku lahaayeen magaaladaasi.

Dadka ayaa ahaa kuwa si weyn ugu faraxsan isbadalka ka dhacay Kismaayo sida qofka goob jooga uu sheegay.

“Dad waxaad moodaa inay isbadalka ku faraxsan yihiin, durbaba waxa ay ku dhaqaaqeen oo ay ku dhiiradeen inay boobaan agabyadii ay ka tageen Al Shabaab ee yiilay xarumihii ay ku lahaayeen Kismaayo” Sidaa waxa yiri Mid kamid ah dadka Kismaayo ku nool.

Kismaayo waxaa haatan ku sugan ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo Dowladda federaalka Soomaaliya.

SDN-Kismaayo

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>