Kismaayo Sept 29,2012(SDN)- Akhayaarta Qiimaha naga mudan, waxaana halkaan idin kugu soo gudbunayaa Sawirrada Ciidamadii ugu dambeeyay ee Kenyaanka ahaa ee galay gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada Kenya aya shalay dhowr jiho ka galay Magaalada Kismaayo, waxaan xaaladda Magaaladaasi ay tahay mid cakiran, maadaama ay isaga baxeen Kooxda Al Shabaab.
Dhinaca kale saakay Xaafadda Calan-ley oo ka tirsan Magaaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ayaa waxaa kooxo hubaysan ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo illaa iyo hadda Meydkiisa yaalla halkaasi.
Shacabka ayaa soo dhaweeyay ka bixitaanka Al Shabaab ee Kismaayo iyo sidoo kale so galintaanka Ciidamada Kenya, inkastoo aysan si buuxda gacanta ugu dhigin gudaha Magaaladaasi.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRADA
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com