Gaarisa oo lagu qab qabtay dad siday walxaha qarxa

Filed under: Sports,Wararkii ugu Dambeeyay |

Gaarisa Sept 30,2012(SDN)-  Wararka aan ka  heleyno magaalada Garissa ee Woqooyi bari dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada booliska magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen rag siday waxyaabaha qaraxa.

Booliska ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay gacanta ku dhigeen 2 nin oo Soomaali ah iyo 3 Kenyaan ah kuwaasi oo waday boorsoonyin Miino ah.

Ragaani ayey booliska ku qabteen inta u dhexeysa Garrissa iyo Nairobi, waxaana haatan lagu hayaa Xabsiga dhexe ee Garissa.

Booliska ayaa shaaciyey in ragaani ay u gudbin doonaan Maxakamad ku taal Nairobi halkaasi oo lagu maxakamadeyn doono.

Ciidamada Militariga iyo kuwa Booliska dalka Kenya ayaa foojignaan xooggan ku jira waxa ayna ka cabsi qabaan weeraro qaraxyo ah oo kaga yimaada dhinaca Xarakada Al-Shabaab ee horay hanjabaadyo ugu jeedisay dalkaasi.

SDN-Gaarisa

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>