Muqdisho Oct 03,2012(SDN)- Qoysas Barkacyaal ah ayaa waxaa ay cabasho xooggani ka muujinayaan amaro ay dul dhigeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dadkaani oo gaaraya ilaa 700 oo qoys ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen ciidamada dowladda oo ku amray inay isaga baxaan deegaanka Sonna K ee degmada Hodan halkaaasi oo ay sanadihii dambe ay deegaan sanayeen dadkaasi.
Qaar ka mid ah dadkaani oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in halkaasi ay soo gaareen ciidamo ay hogaaminayeen saraakiil waxa ayna sheegeen in lagu amray inay guryahaasi isaga baxaan muddo 3 maalmood.
Dadkaani oo isugu jira dadka ka soo barakacay deegaano ka tirsan gobolada oo sanadii 2011 ay abaaro ka dhaceen.
“ma awoodno in muddo 3-maalin gudahooda aan isaga baxno guryahaani” sidaasi waxa yiri Qoysaskaasi
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeybo badan oo dhul dowladeed ah deegaansada kumanaan barakacyaal ah oo aan heysan wax hoy islamarkaan aysan jirin mashaariic dib u dejin oo loo sameeyey dadkaasi.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com