Kismaayo Oct 03,2012(SDN)- Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa xalay waxaa ka dhaqan galay Bandow ay soo rogeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya kadib qaraxyo ka dhacay halkaasi.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Website-ka Qurbejoog.com in ciidamada ay xalay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi bandow ku soo rogeen, waxaana la arkayey ciidamada farabadan oo roondeynayey gudaha xaafadahaasi.
Isku socodka gaadiidka, ganacsiga iyo dadweynaha ayaa ahaa kuwa hakad ku jiray, waxaana ciidamada ay ahaayeen kuwa ka foojignaa weerar kedis ah oo kaga yimaada rag ka haray Shabaab oo ku sugan magaaladaasi.
Magaalada Kismaayo ayaa shalay waxaa dib u galay ciidamada huwanta kuwaasi oo si rasmi ah fariisamo ugu sameystay xaafadaha degmadaasi, waxaana isla shalay ay la kulmeen qarax miino oo loogu xiray dhisamaha xafiiska xarunta degmada kaasi oo Al-Shabaab sheegatay inay iyagu ka dmabeeyeen.
SDN-Kismaayo
Contact@somalidiasporanews.com