Jawaari oo kulan la qaatay Xildhibaanadii barlamanka KMG ahaa

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Oct 03,2012(SDN)-   Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxa uu xarunta golaha shacabka ee Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanadii Hore ee barlamanka KMG ahaa.

Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka ka hadlay ayaa kala hadlay Xildhibaanada baarlamaankii Hore ee KMG qaabkii loo sugi lahaa ammaankooda,iyo sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdoodii ee dhanka Mushaarka.

” Xildhibaanadii Kumeel gaarka ahaa shaqooyin badan ayay usoo qabteen dalka, xaq ayayna leeyihiin” sidaasi waxa yiri Jawaari.

C/Qaadir Sheekh Ismaaciil oo ahaa guddoomiyihii guddigga Dastuurka ee Baarlamaanka KMG oo ka mid ahaa xildhibaanada maanta kulanka la qaatay Jawaari ayaa ka codsaday Prof. Jawaari in il gaar ah loo yeesho Xildhibaanadii hore oo qaarkood ay ku xanuunsanayaan magaalada Muqdisho, loona baahan yahay in daryeel Caafimaad la siiyo.

Ugu dambeyn waxaa ka hadlay xildhibaano badan oo ay ku jirtay Xildhibaanad Caasho Cabdalle oo dhammaan codsanayey in fiiro gaar ah loo yeesho sidoo kale gunooyinkoodii dib loo siiyo.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>