Komishanka Doorashooyinka oo qoraal digniin ah u diray xisbiyada kumeel-gaadhka ah iyo urur-siyaasadeedyada cusub ee Somaliland

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa 03, October 2012 (SDN)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa digniintii u horeysay u diray xisbiyada kumeel-gaadhka ah iyo urur-siyaasadeedyada cusub tan iyo intii doorashada Deegaanka loo muddeeyay 28 bisha soo socota ee November.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Eng. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Xamari) uu maanta soosaaray, waxa xisbiyada iyo ururada tartanka doorashada Deegaanka ka qaybgalaya looga digay in aanay samaystaan nambarada astaanta u noqonaya murashaxiinta tirada badan, wuxuuna qoraalkaasi u dhignaa sidan; “Waxa laydin ogaysiinayaa in aanay ururada iyo Xisbiyada ka qayb galaya Doorashada Golayaasha Deegaanku aanay samaysan Karin Lambarada Astaanka u ah Murahsaxiinta, inta ka horaysa wakhtiga Komishamka Doorashooyinka Qaranku soo saarayo Lambarada rasmiga ah ee Murasahxiinta.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>