Gaarisa Oct 04,2012(SDN)- Xoghayaha dhanka ammaanka ee Maaamulka Magaalada Gaarisa ee Gobalka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa wuxuu ka hadlay ammaanka Magaaladaasi.
Xasan Cusmaan Shuuriye ayaa wuxuu sheegay in la sameyn doono howlgal ballaaran oo ku aaddan Magaalada Gaarisa ee Gobalkaasi islamarkaana kulan ay isugu imaan doonaan dhamaan Odayaasha gobolka iyo Ciidamada ammaanka.
“ Waa lama huraan in laga shaqeeyo ammaanka Gaarisa, waayo Mas’uuliyad ayaa naga saaran” ayuu yiri Xasan Cusmaan Shuuriye.
Ugu dambeyn Xasan Cusmaan Shuuriye ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in ciidamada ammaanka dalka Kenya la geliyay feejignaan dheeri ah oo ku aadan sugidda ammaanka dalka Kenya.
Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gudaha si rasmi ah ugu galay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose halkaasi oo ay kala wareegeen ciidamada Al-Shabaab.
SDN-Gaarisa
contact@somalidiasporanews.com