Cali dheere: Dhiig badan baa ku daadan doona Kismaayo

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo Oct 04,2012(SDN)- Afhayeenka guud Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee Al-Shabaab ay la gashay ciidamada huwanta ah.

Cali ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dagaalada iyo weerarada ay ku hayaan ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Kismaayo, waxa uuna hanjabaad u diray ciidamada Kenya ee ku sugan halkaasi.

” Kuma raaxeysan doonaan Kismaayo, waxay kala kulmayaan Cawaaqib xumo, waxaa oy doona Xaasas badan oo ay qabaan Askarta gaalada ah ee iminka ku sugan Kismaayo” sidaasi waxa yiri Afhayeen Cali dheere.

Ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay gudaha u galeen magaalada Kismaayo halkaasi oo gacanta ay ku heyn jirtay Xarakada Al-Shabaab muddo ka badan 3 sano.

SDN-Kismaayo

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>