Nairobi Oct 04,2012(SDN)- Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa sheegay in wada hadal uu socdo dowladda Kenya iyo Qaramada Midoobay kaasi oo ku qotoma dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah ciidamada Midowga Africa ee AMISOM.
Raila ayaa tilmaamay in wali Kenya iyo QM aysan isla meel dhigin dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamada Kenya ee ku sugan Somalia.
“ Wali waxaan wada hadal la wadnaa QM oo ah hey’ada qaabishay qiimaha lacageed ee lagu xoojinayo ciidamada Kenya laga soo bilaawo bisha January waxa ayna la soo gaartay wada hadalkeeda Bisha August tani waa arinta aan waliba kala hadleyno QM”. Sidaa waxaa baarlamaanka Kenya u sheegay Mr. Raila Odinga isagoo intaasi ku daray in hawlgalka Kenya ay ugu dhinteen 17 askari halka 5 kalena noolal lagu la’yahay.
Ciidamada Kenya ayaa si rasmi ah ugu biiray Hawlgalka Ciidamada AMISOM bishii July xiligaasi oo baarlamaanka Kenya uu ansixiyey motion la keenay bishii December 2011, kadib markii 3 billood ka hor ay gudaha u soo galeen dalkeena Soomaaliya
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com