Abuu Mansuur Al-Amrikia oo la sheegay in uu ka cararay Somaliya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

New York Oct0 7,2012(SDN)- Abu Mansuur Al-Amrikia oo ka mid ahaa saraakiisha Shabaabka ee Ajaanibta la safan Al Shabaab dagaalyahanadeeda Soomaalida ayaa la soo sheegayaa inuu ka baxay dalka Soomaaliya xili dagaalo culus ay la kulmeen.

Wargeyska Washington Post oo ka soo baxa cariga Mareykanka oo soo xiganaya laamaha la dagaalanka Argigixisada Mareykanka  ayaa waxa uu daabacay in Abu Mansuur Al-Imrikia uu ka baxay dalka Soomaaliya.

Wargeyska ayaa tilmaamay in sarkaalkaani iyo saraakiil kale oo Al Shabaab ah ay ka baxeen dalka, iyadoo la sheegay inay ka dhoofeen garoon macmal ah oo ku yaalla magaalada Baraawe ee gobbolka Sh/hoose.

Abu Mansuur ayaa wararka ay qortay Washington Post lagu shaaciyey inuu amba baxay dalka Yemen islamarkaana ay diyaarad gaar ah ka qaaday magaalada Baraawe sida lagu xusay Warbixinta Washington Post.

Xarakada AlShabaab oo xiriirka dhaw la leh Ururka Al-Qaacidda ayaa Soomaaliya waxaa ka soo foodsaaaray culeyso waaweyn oo military, iyadoo magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho, Afgooye, Balcad, Marka , Beledweyne, Baydhabo, Kismaayo, Wanlaweyne iyo kuwa kale ay ka baxeen kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen magaalooyinkaasi.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>