Dagaal ka dhacay Dharkeenlay, Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Afgooye Oct0 7,2012(SDN)- Dagaalkaan oo ahaa Mid u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Fariisimo ku lahaa Deegaanka Xoosh ee Degmada Dharkenley  iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa  Xalay waxaa uu ka dhacay Deegaankaasi Xoosh, waxaana Dagaalka uu geystay Khasaaro soo kala gaaray Dhinacyada Dagaalamay iyo Dadka Shacabka ah .

Dagaalka ayaa Bilawday kaddib Markii ay Dagaal ku  Soo Qaadeen Kooxda Dableyda ah Fariisimaha Deegaanka Xoosh ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda waxaana ku Geeriyooday inta la ogyahay 1 Ruux oo rayid ah iyadoo mid kalena uu ku dhaawacmay Dhinacyadii dagaalamayna lama oga Khasaaraha kala gaaray inta uu la egyahay Sababo la xiriira Dadka oo Xiligaa hurday.

Ma jiro labada dhinac waa Dowladda iyo Al-Shabaab Dhinac ka hadlay dagaalkaasi Xalay ka dhacay Degmada Dharkenley waxaana Saaka dagan  Xaalada Deegaankii lagu Dagaalamay.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>