Muqdisho Oct0 7,2012(SDN)- Guddoomiyaha degmada Kaaraan ee gobbolka Banaadir Cali Caladow Xasan oo saxaafada kula hadlay Muqdisho ayaa ka warbixiyey hawlgallo ciidamada ammaanka iyo kuwa booliska ay iska kaa shaadeen kuwaasi oo laga fuliyey degmadaaasi.
Guddoomiye Cali Calasoow Xasan ayaa tilmaamay in hawlgalladaasi lagu soo qabqabtay dad gaaraya 5 ruux kuwaasi oo lala xiriirinayo falal ka dhan ah ammaanka.
” Howlgallada waxay ahaayeen kuwa qorsheysan dad dhibaato ka waday degmada ayaa lagu soo qab qabtay” sidaasi waxa yiri Guddoomiyaha Kaaraan.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa waxa uu ku amray Shirakadaha Korontada bixiya ee sida gaar ah u leh inay leelarar ka ku xiraan waddooyin degmada Kaaraan si ammaanka loo xaqiijiyo islamarkaana loo soo celiyo bilicda degmada Kaaraan.
Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maalmihii dambe waxaa ka soconayey hawlgallo isdaba joog ah oo ay fulinayeen ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya kuwaasi oo dad badani oo lala xiriirinayo falalka ka dhan ah ammaanka ay ku xirxireen.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com