Puntland oo soo dhaweysay R/wasaaraha cusub

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Garoowe  Oct0 7,2012(SDN)- Dawladda Puntland ee Soomaalia waxay soo dhoweynaysaa magacaabista Raysal-wasaaraha cusub ee Soomaalia Mudane Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxay Dawladda Puntland hormuud ka ahayd nidaamka Federaalka ee Soomaaliya 1998 iyo 2004, waxayna sidoo kale kaalin muhiim ah ka qaadatay dhamaystirka geeddi-socodkii lagaga baxayey ku-meel-gaarnimada [Roadmap] iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka ah.

Waxay Dawladda Puntland weli diyaar u tahay inay sii xoojiso kaalinteedii ahayd sidii lagu gaari lahaa Dawlad Somaliyeed oo Federal ah oo dhamaystiran.

Waxay kaloo diyaar u tahay in ay qayb weyn ka qaadato dib-u-heshiisiinta Somaliya oo muddo 22 sano ka badan xad-gudubyo bini-aadanimo iyo mid siyaasadeed ay soo gaareen.

Dawladda Puntland, waxay Dawladda Federaalka ku qiimaynaysaa kulana shaqayn doontaa hadba sida ay u fuliso heshiisyadii hore loo galay iyo nuxurka uu qeexayo Dastuurka Federaalka ee Somaliya [Constitutional provisions]

sida:

• Ilaalina Dastuurka Federaalka ee Somaliya,

• Hirgelinta iyo dhamaystirka nidaamka Federaalka ah

• Taageeridda dhismaha Dawladaha xubnaha ka noqonaya Dwladda Federaalka ee Somaliya oo dhismahoodu socdo sida, Jubbaland iyo kuwa kale ee ka dhalanaya deegaanada Digil iyo Mirifle iyo qaybaha kale ee Somaliya

• U sinnaanta deeqaha caalamiga ah ee magaca Dawladda Federaalka lagu helo.

Ugu damayntii waxay Dawladda Puntland si gaar ah isha ugu haynaysaa ku dhaqanka awoodaha Dastuurka ku qeexan ee xafiisyada Dawladda Federaalka.

SDN-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>