Eritrea: Shabaab ma taageero ee halayga qaado Cunna-qabateynta

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Asmara Oct 09,2012(SDN)-  Dowladda Eretea ayaa Golaha ammaanka ee QM ka dalbatay in laga qaado cunaqabateyntii la saaray sanadkii 2009-ka maadaama lagu waayay eedeymihii loo soo jeediyay oo aheyd in taageero maalyadeed iyo  mid militeri ay siiso Kooxda Al Shabaab.

Dalabkan ayaa dowladda Ereterea  waxa ay ku muujisay warqad ay u qortay Golaha ammaanka ee QM oo ku taariikhsaneyd 27 September, balse warbaahintu ay heshay saacadihii la soo dhaafay.

Dowladda Eretrea ayaa fariinta ay u dirtay Golaha ammaanka ee QM waxa ay ku sheegtay maadaama guddiga dabagalka ee QM ay soo ogaadeen inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in dowladda Eretrea ay hub ku taageertay AL Shabaab , waxaa dowladda Eretrea ay dalbaneysaa in laga qaado cunaqabateynta la saaray.

Dowladda Eretrea oo ku taala badda cas ayaa wadamada qaar ee ku yaalla  bariga africa waxa ay ku eedeeyeen in taageero buuxda ay siiso Ururka Al Shabaab, balse markii warbixin QM guddigeeda baaritaanada ay soo saareen ay ku sheegeyn in eedeymaha Eretrea loo soo jeediyay ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

SDN-Asmara

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>