Hay’adda Islamic Relief oo ka hadashay go’aankii Al Shabaab

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Nairobi Oct 09,2012(SDN)- Hay’adda samafalka  Islamic Relief ee ka howl gasha Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in go’aankii ay Al-Shabaab uga joojiyeen Shaqada uu saamayn Doono  nolosha ku dhowaad saddex milyan iyo bar oo Soomaali ah.

Agaasimaha Bariga Afrika ee Islamic Relief, Iftikhar Shaheen ayaa sheegay in  go’aanka Al Shabaab hadii uu Sax Noqdo  uu saamayn doono Noloshada Malaayiin Soomaali ah oo ay Hay’addu siineysay cunto, biyo iyo daryeel caafimaad, taasina ay meesha ka bixi doonto.

Agaasimaha ayaa beeniyey eedeynta Al Shabaab ee ah in mashaariic ay leedahay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ka fuliyeen Soomaaliya, Gaar ahaan Deegaanada ay dalka ka maamulaan Al Shabaab, isagoo sheegay in barnaamijyadooda Soomaaliya aysan wax xiriir ah la laheyn WFP.

Dhaq Dhaqaaqa Al Shabaab ayaa war uu soo saaray Shalay Isniintii 08 Bisha October ku shaaciyay in deegaannada uu ka taliyo Uurku uu ka mamnuucay Hay’addan oo ay ku eedeyay  inay jabisay shuruucda ay hay’adaha u dejiyeen Al-Shabaab.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>