Al Shabaab oo gawaari kasoo afduubtay Kenya

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Balad-Xaawo Oct 10 ,2012(SDN)-  Ciidamada  Ururka Al Shabaab  ayaa waxaa ay gawaari ay leedahay Dowladda Kenya ka soo qafaasheen Gudaha dalka Kenya  kuwaas oo la sheegay in ay la soo galeen Gudaha dalka Soomaaliya.

Gawaarida ay Al Shabaab soo Qafaasheen oo gaareysa 2  ayaa waxaa ay ahayeen Nuuca Qaadka qaada, waxaana ay ka soo kaxeesteen Gobolka Wuqooyi Bari ee Dalka Kenya,  iyadoo la xaqiijiyay in ay la soo galeen Gobolka Gedo ee Koofur Galbeed Dalka  Soomaaliya .

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee  ku sugan Gobolka Gedo oo ka hadlay soo qafaalashada gawaaridaaan Al Shabaab ay ka soo kaxeesteen Dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in ay Gacanta ku soo dhigi doonaan Gawaaridaasi oo ay Al Shabaab ka soo Furan doonaan  hadana ay Baadi Goob ugu jiraan  Halka lagu hayo .

Al Shabaab  ayaa waxaa ay Dhowr  Jeer  oo  hore  Gudaha dalka Kenya ka soo Afduubteen dad u dhashay Dalkaasi iyo Dad kale oo ajaanib ah oo Dalxiis ahaan u joogay.

SDN-Balad-Xaawo

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>