Gaalkacyo Oct 10,2012(SDN)- Boqolaal Qoysas Barakacyaal ah oo ku nool Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay xilligan ka cabanayaan xaalad nolal xumo oo soo foodsaartay.
Barakacyaashani oo aqalo coodasho ah ku leh Magaalada Galkacyo ayaa sheegay inay haystaan dhibaatooyin aad u ballaan, iyagoo shaaca ka qaaday in xilligaani ay u baahan yihiin in gurmed la la gaaro.
Mid kamid ah Barakacyaashaasi oo u hadlayey Qoysaskaasi ayaa waxa uu walaac ka muujiyey xaalada noolaleed ee ay haatan ku jiraan qoysaskaasi, waxuuna xusay in qoysaskaasi ay halkaasi ku heysato, isagoo carabka ku dhuftay in aysan heysan dadkaani hoy, cuno, biyo iyo dar yeel caafimaad.
Dadkaani ayaa ka dalbaday Maamulada ka jira Galkacyo , Hay’adaha gargaarka QM, kuwa caalamiga, Ururada Samafalka ka shaqeeya ee Maxaliga ah inay gargaar la soo gaaraan dadkaasi.
SDN-Gaalkacyo
contact@somalidiasporanews.com