Cape Town Oct 10,2012(SDN)- Wararka ka imaanaya dalka Koofur Africa ayaa sheegaya in kooxo Burcad Madow South African ah ay dileen qof Ganacsade Soomaali ah kaasi oo ku sugnaa goobtiisa ganacsi ee ku tiilay dalkaasi.
Kooxdaani Bucad Madowga ah ayaa ku hubeysnaa baastoolado waxa ay dil toogasho ah ku dilen qofkaasi Ganacsadaha Soomaaliga ah, waxa ayna dhac u geysteen dukaan uu lahaa dhibanahaasi la dilay.
Dhanka kale wararka iyana ka imaanaya Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa sheegaya in rag ku hubeysnaa baastoolado ay dileen Nin Horjooge Kaam ahaa kaasi oo ku sugnaa Xerada Qaxootiga Dhadhaab.
Dilka Ninkaani ayaa waxa ay walaac ku abuurtay dadka Qaxootiga Soomaalida, waxaana raggaasi dilka geystay ay isaga baxsadeen goobta.
Ciidamada Ammaanka ee dalka Kenya ayaa goobta soo gaaray oo hawlgalo ka fuliyey balse lama soo sheegin cid ay u soo qabteen falkaasi.
Soomaalida Qaxootiga ayaa dalkooda isaga baxa Markii dowladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay waxaa dhibaatooyin ay kala kulmaan dadka u dhashay dalalka ay Qaxootiga ku yihiin.
SDN-Cape Town
contact@somalidiasporanews.com