Dagaal beeleed ka dhacay Dhuusamareeb

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Dhuusamareeb Oct 10.2012(SDN)-  Maamulka Ahlu Sunna Waljaamaca ee gobbolada Dhexe Soomaaliya ayaa ka warbixiyey dagaal u dhexeeyey labo beelo oo walaalo ah oo wada dega gobbolka Galgaduud.

Dagaalka oo u dhexmaray labo beelood oo walaalo ah kuwaa oo kala dega Magaalada Dhuusamareeb iyo Ceel-buur ayaa waxa ka dhashay khasaare nafeed, inta la ogyahayna waxaa ku dhimatay 4 ruux halka dhaawacuna uu yahay 8 .

Guddoomiyaha Degmada Ceel-buur ee Ahlu Sunna Cismaan Cumar Taardhuleed oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inay ku baxeen dagaalkaasi, ayna soo xaliyeen beelaha waxuuna xusay inay gacanta ku soo dhigeen rag iyagu dilal kala duwan geystay.

Cismaan ayaa tilmaamay in marna aan loo dul qaadan doonin dagaal beeleed ka dhaca deegaannada ay maamusho Ahlu Sunna, isagoo intaasi ku daray in ay jiri doonaan hawlgallo ay sameyn doonaan ciidamada Ahlu Sunna oo lagula socon doono xaaladaha beelihii dagaalamay.

Gobolka Galgaduud ayaa waayadii dambe waxaa hareeyey dagaal beeleedyo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay waxaana la xasuustaa in bishii la soo dhaafay ay ilaa 4 beelood isku dagaaleen gobbolkaasi.

SDN-Dhuusamareeb

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>