Gaalkacyo Oct 10,2012(SDN)- Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Mashaa’iqda Caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Dagaalka ka socda dalka Soomaaliya uu yahay Mid Jihaad ah.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo Su’aallo ay ku weydinayey boqolaal Soomali ah Aaladda Paltalk-ga ee Qadka Internetka ayaa sheegay in isaga uu aaminsan yahay in dagaalka ka socda dalka Soomaaliya ee u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab uu yahay Mid Jihaad ah.
Waxa uu sheegay Sheekh Umal in dagaalkaasi lagula dagaalamayo Gaallo uu xusay inay ku soo duleen dalka islamarkaana doonaya inay dalka ku qabsadaan xoog waa sida uu hadalka u dhigay Sheekha.
Sheekha ayaa intaasi ku daray in Diiniyan uu dagaalkaasi yahay Jihaad oo la doonayo in gaalada aysan joogin marnaba dhul Islaam, dalkuna ay leeyihiin Muslimiin waxa uuna hoosta ka xarriiiqay in dagaalkaasi uu socon doono inta laga saarayo gaalada ku sugan dalka.
Culimo badan oo Soomaaliyeed ayaa ku kala aragtiyo duwan dagaalka ka socda Soomaaliya ee u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Midowga Africa ee AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab oo iyana xiriir la leh Ururka Al-Qaacida.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com