Hargeysa Oct 10,2012(SDN/Hubaal)-Gudida Olypikada iyo Xidhiidhka Kubada Kolayga ayaa maanta soo saaray shir jaraa’id oo ay kaga hadleen qodobo dhowr ah oo ku saabsan go’aankii wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyarah Mudane Cali Siciid Raygal uu 17 bishii hore ku sheegay inuu kala diray xidhiidhada dalka islamar ahaantaana ay ka hawl galaan wasaarada ciyaraha, taasi oo ay ku tilmaameen mid aan waafaqsanayn shuruucda iyo dastuurka dalka iyo waliba dastuurka gudida calamiga ah ee Olypikada iyo xidhiidhada kuwaasoo dhamaantood si cad u qeexaya sharciyada qanuuniga ah ee ay yeelanayaan xidhiidhada dal leeyahay.
Waxaa kale oo ay wasiirka ugu baaqeen inuu kafogaado kooxaysiga, go’anada dhalin kara kacdoon ka dhan ah xukuumada iyo khilaaf hor leh oo kasoo cusboonaada mar labaad wasarada dhalinyarada iyo ciyaraha oo mudo 4 bilood ah daganayd.
Waxaa kale oo ay siwayn uga soo hor jeesteen qodobada uu wasiirku u adeegsaday go’aankiisa, kuwaasi oo ay kutilmaameen qaar xaqiiqada iyo waaqica dalka kafog, gaar ahaan aqoonsiga iyo xidhiidhka ay la leeyihiin ururada ciyaraha ee calamiga ah, iyadoo ay xuseen in xidhiidhadu ay kaqayb galeen tartamo caalami ah isla sanadkan oo ay kamid ahaayeen Tartankii Kampala ee Kubada Kolayga, tartankii Djibouti ee Orodada.
Warsaxafadeedka oo ku saxeexnaayeen Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubada Kolayga Mohamoud Hassan Abdilahi iyo Xoghaya Olypikada Khalid X. Abdi Aden wuxuu u dhignaa sidan:
‘Xidhiidhka Kubada Kolayga iyo Gudida Olypikadu kadib wada tashi ay layeesheen kooxaha, wax garadka ciyaraha, iyo waliba markii ay qiimeeyeen lana kulmeen wasiirka ciyaraha iyo agaasimaha guud, waxay ku qanceen in wasiirka iyo agasimuhu ay ku adkaysanayaan go’aan baal marsan sunihii ciyaraha wadanka ee mudada dhowr iyo tobanka sanadood lagusoo waday ciyaraha kuwasoo lahaa haykalka ciyareed ee qarankasta oo aduunka ka jraaba leeyahay oo ah wasarad ciyareed, oo guud ahaan maamusha siyasada qaranka ee ciyaraha, gudidada olypikada oo dabagal iyo qimayn kusamysa habsami usocodka ciyaraha iyo Xidhiidhada oo ah laf dhabarta farsamo ee ciyaraha islamar ahaantana ah waaxda fulinta oo qarankana usoo qabtay hawlo farabadan, ciyaruhuna halkaa ay marayaan soo gaadhsiiyay.
Islamar ahantana lajaan qaaday xukuumada Cusub ee Madaxwayne Ahmed Mohamed Silanyo oo garab istaagtay mudadii ay jireen, waxtar muuqdana laqabatay iyadoo ay jireen caqabado iyo dhibaatooyin wali jira oo u baahan in wax laga qabto. Waxaanu go’aan sanay:
Wabilaahi Towfiiq
ALLAA – MAHAD LEH