ZAANIGU ZAANIYADDU IYO MUSHRIG AYUUN BAY NIKAAXSAN KARAAN

Filed under: Dacwada,Features |

Sida la wada ogsoon yahay culumada Soomaaliyeed ee Quraanka fasirta waxay badanaaba sheegaan macnaha aayadda oo dul mar ah laakiin culumada intooda badani dadka uma soo gudbiyaan dhaqan gelinta aayadaha Quraanka. Taas waxaa ka dhashay in ay dadku u haystaan Quraanka taariikhdii rasuulka scw iyo ummadihii uu ka soo dhex baxay, laakiin in uu yahay dhaqanka waajibka ah ee qofka muslimka ah laga doonayo lama barin.

 

Waxaan u malaynayaa in ruux waliba garan karo in cinwaanku maqaalkan ku saabsan yahay aayad Quraanka ka mid ah macnaheeduna yahay dhillaygu ama saanigu dhillo iyo mushrikad mooyee cid kale ma guursan karo, dhilladuna ama saaniyaduna dhillay iyo mushrig mooyee cid kale ma guursan karto, mu’miniintana arrinkaas waa laga xaaraantimeeyey.

 

الزَّانِي لَا يَنْكِحُ إلَّا زَانِيَةً أَوْ مُشْرِكَةً وَالزَّانِيَةُ لَا يَنْكِحُهَا إِلَّا زَانٍ أَوْ مُشْرِكٌ وَحُرِّمَ ذَلِكَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ(النور3 ).

 

Sababta aayaddu ku soo degtay culumadu siyaabo kala duwan ayay ku kala macneeyeen hase yeeshee waa caam aayaddu in kasta oo ay shaqsiyaad ku soo degtay. Waxaa la sheegay in nin ka mid ahaa asxaabtii rasuulka oo sabool ahaan jiray islaamka ka hor naag dhillo ahayd oo uu u fuuli jiray ku aragtay Makka markaas ayay ku dhahday waar Canaaqaw maad ii timaaddid markaas ayuu ku dhahay Islaamku waa diiday sinada markaas ayay ku dhahday dee haddaa i guursaba markaas ayuu ku dhahay waxaan soo weydiinayaa rasuulka. Markii uu rasuulka u yimid ayuu weydiiyey markaas ayuu rasuulku aayaddan u aqriyey kuna dhahay ma guursan kartid.

 

Markii aan dhegaystay sida uu sh. Dirir u macneeyey aayadda wuxuu dhahay guur loogama jeedo ee waxaa loo jeedaa galmo taas oo aayadda macnaheeda ka dhigaysa in haddiiba uu ruux sinaysto uu ka sinaysanayo qof saani ah ama dhillo ah. Kuma saabsana aayaddu ayuu dhahay in uusan saanigu guursan karin qof kale oo saani ah ama mushrig ah mooyee qof dhawrsan oo muslimad ah. Sh Dirir fikirkaas keli kuma aha ee culumo badan ayaa la qabta, laakiin waxaa la moodaa in uu ka dhigayo mid fudud taas oo dadka ku dhiirri gelinaysa in aanay ka waaban sinada, laakiin haddii ay dhihi lahaayeen waa lagu gaaloobayaa sinada waxaa dhici karta in uu qofka ka fogaado. Waxaana la moodaa in dad fara badan oo Soomaali ahi qabaan in aan ficilka lagu gaaloobin ee lagu gaaloobo hadal afka laga dhaho oo keliya.

 

Waxaan kale oo dhegaystay Shiikha Umalna wuxuu sheegay in nikaaxa loola jeedo guurka ama mehersashada sidaas darteed ruuxii ay dhillonimo ku caddaato meher u qaban maayo dhillo ama mushrikad mooyee gabadh asturan oo muslimad ah. Shiikhana wuxuu muujiyey in uusan ku raacsanayn culumada aayaddan ku macnaysa sida in guurka loola jeedo saarashada xaaraanta ah oo keliya.

 

Waxaan kale oo akhriyey tafsiirka Macaalimo Tanziil (تفسير معالم التنزيل البغوي اتاريخ 516 هجرة ).  In kasta oo uu shiikhu sheegay in sababta ay ku soo degtay la isku khilaafsan yahay haddana wuxuu muujiyey in uu rasuulku scw u diiday isaga oo daliishanaya aayadda lafteeda nin ka mid ahaa asxaabtiisa oo weydiistay in loo ogolaado in uu guursado naag dhillo ahayd.

 

Waxaan kale oo aan akhriyey tafsiirka Sh. Mohamed Matawalla Shacraawi oo ka mid ah mufasariinta dambe ama casriga ah. Wuxuu isagu uu hoosta ka xariiqay in dhilladu ama dhillaygu noqonayaan mushrikiin haddii ay rumaysan yihiin in ay dhillaysigu iyo sinadu xaaraan ahayn iyada oo kitaabka iyo sunnada rasulkaba si cad loogu sheegay in ay sinadu xaaraan  tahay. Wuxuu shiikhu intaas ku daray in haddii ay rumaysan yihiin in sinada ama dhillaysigu xaaraan yahay laakiin ay dhallin yaronimo u geysay uu yahay muslim caasi ah, kuna gaaloobayn uuna guursan karo cafiifadaha muslimiinta ah ka dib markii uu toobad keeno.

 

Marka haddii aan soo qaadanno macnaha aayadda waa sidatan:

 

Zaanigu ma nikaaxan karo zaaniyad ama mushrikad mooyee cid kale, zaaniyaduna zaani iyo mushrig mooyee iyana ma nikaaxsan karto cid kale, mu’miniintana arrinkaas waa laga xaarintimeeyey.

 

Sida uu sheegay Sh. Shacraawi ruuxa ay aayaddu la hadlayso ee la lee yahay saanigu ama saaniyaddu saani ama mushrig qof ah mooyee cid kale kuma nikaaxmayso waa dad muslim ah oo og in ay sinadu xaaraan tahay, haddii uusan rumaysnayn in sinadu xaaraan tahay waa qof beeniyey aayadihii Alle waana gaal, qof gaal ahna aayaddu lama hadlayso sinana kama celinayso.

 

 

Aayaddan ayaana Alle sidaas noogu sheegayaa:

الْيَوْمَ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَهُمْ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الْمُؤْمِنَاتِ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِنْ قَبْلِكُمْ إِذَا ءَاتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ مُحْصِنِينَ غَيْرَ مُسَافِحِينَ وَلَا مُتَّخِذِي أَخْدَانٍ وَمَنْ يَكْفُرْ بِالْإِيمَانِ فَقَدْ حَبِطَ عَمَلُهُ وَهُوَ فِي الْآخِرَةِ مِنَ الْخَاسِرِينَ(المائدة 5).

Maanta ayaa waxyaabaha qurxoon la idiin fasaxay ama ogolaaday cuntada kitaableydu waa idiin xalaal tiinuna iyaga waa u xalaal, waxaa kale oo xalaal idiin ah gabdhaha asturan ee mu’minadaha ah iyo kuwa asturan ee kitaableyda, marba haddii aad ujuuradooda siinaysaan ayna yihiin kuwo dhawrsan ee aan yeelan wiil gashaan, ruuxii imaanka diida camalkiisu waa joogsanayaa wuxuuna aakhiro ka mid noqonayaa kuwa tacab qasaaraya.

 

وَلَا تَنْكِحُوا الْمُشْرِكَاتِ حَتَّى يُؤْمِنَّ وَلَأَمَةٌ مُؤْمِنَةٌ خَيْرٌ مِنْ مُشْرِكَةٍ وَلَوْ أَعْجَبَتْكُمْ وَلَا تُنْكِحُوا الْمُشْرِكِينَ حَتَّى يُؤْمِنُوا وَلَعَبْدٌ مُؤْمِنٌ خَيْرٌ مِنْ مُشْرِكٍ وَلَوْ أَعْجَبَكُمْ أُولَئِكَ يَدْعُونَ إِلَى النَّارِ وَاللَّهُ يَدْعُو إِلَى الْجَنَّةِ وَالْمَغْفِرَةِ بِإِذْنِهِ وَيُبَيِّنُ ءَايَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَذَكَّرُونَ(البقرة 221).

Aayaddanina waxay lee dahay:

 

Ha guursanina gabadh mushrikad ah in ay marka hore soo islaamto mooyee, waxaana ka khayr badan mushrikadda si kasta oo aad u jeclaysato addoomad mu’minad ah, gabadhuna yaanay guursanina nin mushrig ah in uu marka hore soo islaamo mooyee waxaana si kasta oo aad u jeclaysato ka khayr badan addoon mu’min ah, kuwaasi waxay idiinku yeedhayaan cadaab Allena wuxuu idiinku yeedhayaa jannada iyo dembi dhaaf uu isagu idin siiyo, wuxuna si cad idiinku qeexayaa aayadihiisa si aad ugu waano qaadataan.

 

Marba haddii ruuxii muslimka ahaa loo ogol yahay in uu guursan karo haweenka asturan ee kitaableyda oo ah Kiristaan iyo Yahuud loona diiday guurka mushrikiinta. Marka waxaa cad in mar haddii qof muslim ah oo saani noqday loo diiday guurka muslimiintii kale loona ogolaaday mushrikiinta iyo dhillooyinka la midka ah ay macnhaeedu yahay in qofkaasi uusan dib u ahayn muslim ee uu saaninimadii ku gaaloobay.

Marka aayaddan waxaa la sheegayaa in saanigu guursan karo mushrikad saaniyadduna guursan karto mushrig, hase yeeshee dadka mu’miniinta ah arrinkaas looga xaaraantimeeyey aayadda kor ku xusan.

 

 

Waxaan halkaas ka soo dhirin dhirin karaa in dhillaysiga lagu gaaloobayo oo qofku haddii uusan si xaq ah uga toobad keenin uu gaal noqonayo, sidaas darteedna ay ugu xalaaloobayso mushrikaddu ama mushriggu ugana xaaraantimoobayso muslimaddu. Ruuxii diiddan aayadahaas sinada ama dhillaysiga xaaraantimaynaya ee leh dembi ma aha dhillaysiga iyo sinadu waa gaal; gaalna laguma odhan karo haddii aad dhilaysato waa lagu karbaashayaa ama waa lagu rajminayaa. Aayadahaasina ruuxa ay la hadlayaan ma aha gaal ee waa ruux muslim ah oo sinada looga digayo.

 

Marka waxaan lee yahay haddii ay culumadu igu raacdo in saaninimada lagu gaaloobayo waxaan lee yahay dembiyada kale ee waa mustawaha ahna oo dhanna waa lagu gaaloobayaa.

 

Aaydduna saaniga aan guur gelin iyo kan guurka galay ma kala saarin ee waxay aayaddu ku ekaatay zaani. Labadana toobad ayaa laga doonayaa waayo waxay ku sugan yihiin arrin iimaan darro ah oo gaalnimo salka ku haysa laakiin xad kooda ayaa kala duwan oo midna yahay rajmin midna yahay karbaash.

 

Waxaa suurto gal ah in haddii qofka laga dhaadhiciyo in uu sinada ama dhillaysiga ku gaaloobayo uu ka carari lahaa, waayo qof kasta si kasta oo uu imaankiisu u liito ma ogola in uu sameeyo wax uu ku gaaloobayo. Dadka ay la fududahay sinadu iyo dhillaysigu waa dad aan u arkayn in uu yahay dembi culus oo qatar ku ah jiritaankiisa. Hase yeeshee shirkinimo lagu toobad seego ma aha ee waa gaalnimo toobad leh sida ay aayadahan oo ka mid suuradda Al-Furqaan ay sheegayaan.

 

Marba haddii ruuxa muslimka ah loo diiday in uu guursado qof saani ah, isla mar ahaantaasna saaniga loo fasaxay in uu guursan karo qof sidiisa oo kale saani ah iyo mushrik oo qof muslim ah loo ogolayn in dhillaysiga ama saaninimda looga baxayo diinta shaki kuma jirto, gaalnimaduna toobad ayay lee dahay laakiin shirkigu ma laha toobad.

وَالَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَهًا ءَاخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ يَلْقَ أَثَامًا(68)يُضَاعَفْ لَهُ الْعَذَابُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِ مُهَانًا(69)إِلَّا مَنْ تَابَ وَءَامَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَحِيمًا(70)وَمَنْ تَابَ وَعَمِلَ صَالِحًا فَإِنَّهُ يَتُوبُ إِلَى اللَّهِ مَتَابًا(71).

Wixii qalad ah ee aan ku hadlay waxaan Alle ka baryayaa in uusan ii qaban waayo wuu og yahay Alle in aanan wax aan qayr ahayn rabin. Wixii aan sugayna Alle ayaa i sugsiiyey, wixii gef ahna shaydaan ayaa iigu wacan ilaah ayaana uga toobad keenayaa.

 

Qofkii doonaya in uu i saxo waxaa kan omer.shalaqo@gmail.com

 

QOFKII ISLAAM AHI HA KA FOGAADO SINADA WAA LAGU GAALOOBAA EH.

Omer Suleiman Ali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>