Bosaaso Oct 12,2012(SDN)-Qaar ka mida Beelaha gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa soo saaray bayaan ay ku diidan yihiin mudo kordhin uu sameysto madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole,iyo qodobo kale oo muhiima.
KU: Dhammaan Madaxda Dhaqanka Beelaha Puntland. Fadhiyadooda
KU: Uqaybsanaha UN-ka ArrimahaSomalia- Nairobi.
KU: Inter peace Nairobi
KU: PDRC Garoowe
Og: Dawladda Federalka Somaliya Muqdisho.
Ujeeddo: Baaq wadajir ah.
Beelaha Bari ee kala ah:
Kuwaas oo Deggan Degmooyinka kala ah:-
Kadib markii ay shir isugu yimaadeen ,siyaasiyiinta,Aqoonyahanka ,Ganacsatada iyo waxgaradka Beelaha kor ku qoran,waxay siwadajir ah ugaga wada hadleen Guud ahaan Marxaladda ay maanatay ku sugantahay puntland gaar ahaan qodobadan hoos ku qoran:-
Haddaba markii ay si qotodheer u falanqeeyeen qodobada kor ku qoran,waxay ku soo urursheen sida n hoose:-
1. Siyaasadda Puntland.
Xukuumadda Puntland waxay wadaa qorshe ay ku doonayso inay Dalka ugu rarti nidaamka Asxaabta badan waloow ay kala kulmayaan Dadweynaha diidmo qayaxan.Puntland waxaa lagu asaasay siyassad cad oo ay Saldhig u ahayd in ay sal u noqoto soo noolaynta Qarankii soomaaliyeed oo burburay,taas oo shacab iyo dawladba loo wada guntaday,waxaa kaleeto oo iyana kamid ahayd in Midnimada puntland la ilaaliyo ,ayna tahay mid wax kasta laga hormariyo.
Haddaba waxaa inoo cad in Dawladda madaxweyne C/raxmaan Faroole ku fashilantay,himilooyinkii loo asaasay puntland,isla markaasna ay maanatay puntland ka godoonsantahay siyaasadda Debedda iyo tan gudaha labadaba.waxaana taas markhaati u ah xidhiidhka naga dhexeeya Dawladaha Deriska iyo Somalida inteeda kale.
2. Nabadgelyada.
Fashilaada siyaasadda Puntland ee gudo iyo Dibadba waxay sabab unoqotay in aan yeelanno cadwyo kala duwan oo ina kala dirira gudaha iyo debedda (shisheeye iyo Sokeeye).
Waxaa kaleeto oo iyana abuurmay Colaad ka dhexdhacda beelaha Puntland dhexdooda ,taas oo ay sabab u tahay majara ahabawga siyaasadda Arrimimaha bulshada.
3. Dhqaalaha.
Sideynu wada arragno maanatay dhaqaalaha Puntland waxa uu marayaa meel halis ah oo aan orankarno waa tii ugu liidatay oo in soo marta weligeen,waxaa taas daliil u ah Mushaharooyinkii shaqaalaha oo aan labixin saddex Bilood iyo Dedkeddii Bossaso oo u dhow iney xiranto,iyadoo lagu jiro waqtigii ay ugu dhaqdhaqaaq badnayd ee Arrafada ay xoolo badani ka dhoofijireen dekedeena.
Waxaa iyana Xusid Mudan in ganacsatadii puntland ay ka tageen Puntland,iyagoo u wareegey berbera ,hargeysa iyo muqdisho.
4. Midnimada iyo Wadajirkii puntland.
Waxaa iyana muuqata in wadajirkii iyo midnimadii puntland ee muqaddaska ahayd ay kala daadatay,taas oo Gobollo kamid ahaa Asaasayaashii puntland ay meesha ka bexeen,kuwo kalena ay hadda wada sii hayaan,mar haddii ay asaasayaashii puntland qaybo kamid ah ka goeen,waa arrin u baahan dib u eegis iyo wax isweydiin,maxaa yeelay waxaa dhaawac weyni gaarey Magicii puntland.
5. Dhawrista dastuurka dalka .
Ummad kasta waxaa ka dhexeeya oo isku hayaa waa sharciga iyon Qawaaniinta ay ku heshiiyeen iney kala hagto,ayna ku kala dambeeyaan,Ilaalinta sharciga iyo ku dhaqankiisa waxaa laga rabaa in madaxda dadkaasi ay tusaale u noqdaan.
Haddaba markii si fiican looga faalooday arrintaas waxaa noo caddaatay in dawladdu (Golaha xeerdejinta iyo Xukuumadda) ay tusaale u noqdeen jebinta Xeeraraka Dalka oo uu ugu horreeyo dastuuku,halkii laga rabey in ay iyagu ilaalintiisa wax kasta kahormariyaan.
6. Arrimaha Dimuqraadiyadda.
Dawladda hadda jirta waxay horraantii sannadkii ay xilka qabatay2009kii ballan qaadday in ay 18 Bilood gudohood ku hirgelin doonto arrimaha Xisbiyada badan,waxayna inrintaasi ugu muhumsanayd ballanqaad yadii lagu doortay,hase yeeshee muddo ku dhow 48bilood kadib ayaa lamagcaabay guddi doorasho,kuwaas oo horseeday caddaalad Xumo iyo xasarad ka aloosanta Bulshada dhexdeeda waxaana suurto gal ah haddii ay sii wadaan hawshaas in ay dhaliso colaad waarta,isla markaasna puntland u horseeda burbur iyo kala go aan dib laysugu soo noqon,danta iyo ujeedada laga leeyahay na waxay tahay in lagu kororsado mudada xukunka ee maha in laga run sheegayo magaca loobixiyey,taas oo aad mooddo iney maamulka Maantay talada hayaa ay hilmaansanyihiin wixii ka soo maray Muddo kororsiga Puntlan 2001kii.
Sidaas saraadeed Markii Beeluhu arkeen qodobada kor kuqoran iyo dhibaatooyinka ka dhalankara ee keeni kara cawaaqib xumo ay dhaxasho puntland waxay Beeluhu isku raaceen Qodobada hoos ku qoran:-
Saxiixa Odayaasha Beelaha Baaqa Qoray.
Beesha Muuse Saleebaan
Beesha Siwaaqroon.
10. Dr salaad Cumar Asad.
Beesha Cali Jibraahiil.
10. Dr Liibaan farax Xasan.
11. ,, ,, Maxamad Siciid Cabdi.
12. ,, ,, C/qaadir Shire Muuse.
13. ,, ,, Maxamad Siciid Maxamad.
Beesha Dishiishe:
1- Nabadoon Gaacshe Maxamed Axmed
2- ‘’ ‘’’ ‘’ ‘’’ ‘’’ Sahal C/salaam Yuusuf
3- ‘’ ‘’ ‘’ ‘’ ‘’’ Maxamuud Maxamed Shirwac
4- ‘’ ‘’ ‘’ ‘’ ‘’ Salaad Qaxiye Ciise
5- ‘’ ‘’ ‘’ ‘’ ‘’ Yaasiin Maxamed Maxamuud
6- ‘’ ‘’ ‘’’ ‘’ Saciid Maxamed Maxamuud
7- ‘’ “ “’ “’ Cali Bile Nuur
8- “” “’ “”’ Isxaaq Axmed Xassan
SDN-Bosaso
contact@somalidiasporanews.com