Muqdisho Oct 12,2012(SDN) Haweeneydaan oo lagu Magacaabo Xaliimo Maxamed Cabdi waxaa ay ku Noosha hay Xero Barakac oo ku taalla Agagaarka Xero Ruush Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana ay Halkaa ku dhashay ilaa 4 Caruur ah oo Mataano ah kuwaas oo Mid ka mid ah uu ahaa Wiil halka 3-da kalena ay Ahaayeen Gabdho in kastoo uu ka saqiiray Wiilka .
Caruurtaan 4 ah ee ay ku dhashay Xerada barakacayaasha Hooyo Xaliimo ayaa waxaa aysan lahayn wax Cod ah, iyadoo Hooyada dhashay oo la hadashay Warbaahinta ay sheegtay in Abaha Dhalay Caruurta aysan arkin Mudo 8 Bilood ah, uguna war dambeysay isagoo ku sugan Magaalada Kismaayo ila hadana aysan garaneyn Halka uu ku dambeeyo inuu dhintay iyo in kale .
” Al xamdulilaah Ilaahay wuu ii fududeeyay isaga ayaa Mahadleh, waxaan ahay qof Barakac ku timid Muqdisho, Ilmaha aan hadda dhalay Aabahooda, muddo warkiisa mahaayo in uu nool yahay iyo in uu dhintay, Ilaahay ayaa noo maqan isaga ayaana gar gaar ka sugaynaa iyo Walaalaha Muslimiinta ah” sidaasi waxa tiri Hooyo Xaliimo Max’ed Cabdi.
” Xaqiiqdii Caloosha ayaa i gadoontay markay ii sheegtay Hooyadaani Soomaaliyeed Axwaasheeda, waayo qofka Hantida haysta isagoo wax waliba iska dhiibi kara ayaa haddana Xanuun hayaa, laakiin qoftaan, Hanti ma leh xanuunkiina wuu u dheeryahay, waan u doceynayaa, waa arrin farxad leh, Hooyadaani Soomaaliyeed hal mar ma damceyso inay Caruurteeda ka jeesato waayo waxa u bilowday nolol cusub oo u baahan gacan wax ku ool ah” sidaasi waxa yiri Wariyaha Qurbejoog.com ee Muqdisho Max’ed Max’ud Tuuryare
Qof waliba oo Damiir leh, dareemina kara dhibaatada Hooyada markii ay dhasho ayaa ka danqan kara arrintaani, waayo Hooyadaani waa Barakac, waxna maheysato, mar waliba in la garab istaago way u baahan tahay waayo waa ilmooley.
Page-ka Qurbejoog.com Hooyadaani Soomaaliyeed wuu u doceynayaa.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com