Baladweyne Oct 12,2012(SDN) Qarax Ismiidaamin ah ayaa la sheegay in xalay lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Magaalada Baladweyne.
Wararka laga helayo Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaaa waxaaa ay sheegayaan in Magaalada Goob Fariisin u ahayd Ciidamada Dowladda Gaar ahaan Kuwa Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah oo uu Fuliyay Nin Isi soo Miidaamiyay oo la aamin sanyahy in uu Al Shabaaab ka tirsanaa.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Baledweyne ayaa waxaaa ay sheegeen in Qaraxa ay ka hortageen islamarkaana ninkii Isqarxiyay kaligiisa uu go’ go ay.
” Naftiisa ayuu halaagay, waxa lagu yiri Is qarxi Janaad galaysaaye, Hilbihiisa ayaa kala firxaday, waana la fashiliyay kaligiisa ayaa halaagay Naftiisa” sidaasi waxaa yiri Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
lama oga qaraxa Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Goobta oo aan loo ogoleyn Dadku inay Galaan oo ay Ciidamadu isku Gadaameen waxaana soo gaaray Ciidamo dheeraad ah oo ka Tirsan AMISOM iyo Eithiopia.
SDN-Baladweyne
contact@somalidiasporanews.com