Muqdisho Oct 14,2012(SDN)- Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulankoodii Koowaad kala fadhigoodii Labaad ay ku yeesheen Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka Xildhibaanada ay maanta isugu yimaadeen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xaadiray 202 Xildhibaano.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaabir, waxaana kulanka intiisa badan looga dooday Sharciyada guddi Xeerhoosaadyada ee dhawaan Xildhibaanada ay magacabeen.
Intii kulankaasi uu socday ayaa waxaa sidoo kale loogu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu Xildhibaanada horkeeno R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo dhawaan uu ku dhawaaqay madaxweynaha.
Xildhibaanada Qaar ayaa waxa ay ku doodeen in R/Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada uu soo dhisayo Shirdoon ay hal mar isla yimaadaan baarlamaanka hortiisa islamarkaana hal mar la ansixiyo sida uu qabo Dastuurkii 60-ka uu dalka lahaa halka kuwa kalena ay qabaan in R/Wasaare Shirdoon uu yimaado baarlamaanka si loo ansixiyo kadibna uu u soo dhiso Golaha Wasiirada.
Qodobkaasi ayaa waxaa kala gooyey oo ka go’aan ka gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari kaasi oo sheegay in R/Wasaare Shirdoon looga baahan yahay inuu yimaado Xarunta Baarlamaanka si loo ansixiyo kadibna uu soo dhiso isagoo cuksanayey Dastuurka loo ansixiyey Dalka.
Ugu dambeyn kulanka Xildhibaanada ayaa loo codeeyey oo cod fartaag ah loo qaaday Xiliga uu R/Wasaare Shirdoon ku imaanayo Xildhibaanada hortooda waxaana loo qabtay mudo 2 maalin ah, loogana fadhiyo in maalinta Arbacada ah uu Baarlamaanka horyimaado.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com