Muqdisho Oct 14,2012(SDN)- Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta ay Kulan ku yeeshaan Xaruntooda magaalada Muqdisho, iyadoo Ajandaha laga doodi Doonana lagu sheegay in uu yahay Xeer Hoosaadyada Baarlamaanka ay ku dhaqmi Doonaan inta ay Shaqeynayaan.
Baarlamaanka Fadhigiisa oo uu Shir Gudoomin Doono Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa la sheegay in ajandaha horyaalla uu yahay in Nidaam loo sameeyo baarlamaanka Sida in Marka ay soo galayaan Howlka ay is diiwaan Galiyaan in Marka ay baxayaan ay is diiwaan galiyaan in Xildhibaan walba Kursiga uu fariisanayo lagu Qoro Magiciisa sida Shirarka Caalamiga ah iyo Qodobo kale.
Xildhibaan Cismaan Aadan Dhaayow oo ka Mid ah Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in Qodobadaas Diiradda la saari Doonom, iyadoo Xildhibaanadu ay ka Doodi doonaan hadii ay Isku raacaan in la Meel Marin Doono haddii ay Diidaana ay Go’aanka iska leeyihiin Mudanayaasha Baarlamaanka .
Wixii kusoo kordhaa kala soco Qurbejoog.com
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com