Nairobi Oct 14,2012(SDN)- Ciidanka milateriga Kenya ayaa maanta oo Axad ah u dabbaal-degaya sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay galeen Soomaaliya oo ay iclaamiyeen dagaal ka dhan Xarakada Al-Shabaab.
Kenya waxay Al-Shabaab ku eedeysay inay ka dambeysay afduubyo badan oo gobolka waqooyi-bari Kenya loogu geystay dad shisheeye ah.
Dabbaal-degyada ayaa ka dhacaya dhowr xarumood oo ciidamadu ay ku leeyihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Taliyaha ciidamada difaaca Kenya Julius Karangi ayaa sheegay inay maanta xusayaan doorka ciidanka ay ka qaateen difaaca dalka iyo la dagaallanka kooxaha khatarta ku ah jiritaanka dalka.
Julius wuxuu sheegay in dhacdadan ay noqon doonto mid la xuso sanad kasta. Munaasabadaha ayaa ka dhacaya xarunta wasaaradda gaashaandhigga, saldhigyada ciidamada ee Moi Airbase, Nanyuki Garrison, Manda Naval Base, Gilgil iyo Kahawa Garissons.
Wasiirka gaashaandhigga Kenya Yuusuf Xaaji oo toddobaadkii hore ka qeyb galay goob ay ka dhaceysay xaflad ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee galay gudaha Soomaaliya ay dileen 3,000 oo dagaalyahannada Al-Shabaab ah, halka ciidanka Kenya ay ka dhinteen 20 askari.
Ciidanka milateriga Kenya ayaa gudaha u galay Soomaaliya bishii October, 2011.
SDN-Nairobi
Contact@somalidiasporanews.com