Buulo-burde Oct 14,2012(SDN)-Waxaa qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ku dagaalamay beelo walaalo ah, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka ah oo aan qadka Taleefonka kula xiriirnay.
Dagaalka ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhacay deegaanka Warsooman oo hoos yimaada degmada Buule Berde ee gobbolka Hiiraan.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay 2 ruux halka 6 kalena ay ku dhaacmeen kaddib markii labo beel oo walaalo ah ay deegaankaasi ku dagaalameen.
Dagaalka ayaanan la ogeyn waxyaabaha sababay, balse xiliyada roobabka ayaa waxaa dhacda murano iyo is qabqabsi dhexmara beelaha wada dega gobolada dalka Soomaaliya kuwaasi oo intooda badan ku dirira daaqsin iyo Ceelal Biyood.
Xaalada deegaankada lagu dagaalamay ayaa iminka ah mid degan mana jiro wax iska hor-imaad ah oo hada halkaasi ka soconaya.
SDN-Buulo-burde
Contact@somalidiasporanews.com