Muqdisho Oct 15, 2012(SDN)- Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya xeryaha Barakacayaasha ah ee ku yaalla ayaa waxaa ku geeriyooday caruur yar yar oo shuban u geeriyooday.
Xilligan iyadoo lagu guda jiro waqtiga kuleelaha ayaa la sheegay in caruurtaasi ay u geeriyoodeen sabab lagu sheegay in shuban biyood uu ka dhacay kadibna waalidkooda ay awoodi waayen inay geeyaan isbitaalada si halkaasi daryeel caafimaad loogu sameeyo.
“Waxaan ku noolahay degmada Dharkeenlay gaar ahaan Xaafadda Abo Gedo, marka dhibaatooyinka ayaan iska jira Cuduro ayaa Caruurta nooga dhacay, Caafimaad darri xun way ka jirtaan, waan xilli kuleelo, maalmihii dambe 3-caruur ah ayaa ku geeriyootay Kam barakac ah oo aan ku jirno oo ku yaalla isla degmada Dhakeenlay” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka ku sugan halkaasi.
Xeryaha Barkacayaasha ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan dad badan oo ka kala yimid Gobalada dalka Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood ku dhax xanuunsanaya.
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com