Dagaal ka dhacay Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Oct 15,2012(SDN)- Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  iyo Ururka Al Shabaaab  ayaa xalay waxaa uu ka dhacay Xaafadda Xoosh Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ku sugan xaafaddaasi oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dagaalku uu yimid kaddib Markii ay Ciidamo ka Tirsan Al Shabaab ay Weerar ku soo qaadeen fariisimo ay Ciidamadu ku leeyihiin  xaafadda Xoosh iyo Agagaarka Deegaanka Kaxda Halkaana uu ka dhacay iska horimaad qasaaro gaystay.

Guddoomiye ku xiggeenka Maamulka Degmada Dharkeenley Yuusuf Ibraahim Xasan ayaa dagaalkii xalay waxaa uu ku tilmaamay mid Gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen tiro yar oo ka tirsan Al Shabaab  sida uu sheegay ula jeedkiisuna uu ahaa in la qal qal galiyo Ammaanka.

Deegaanada Muqdisho ku Teedsan ee Dhinaca gobolka Sh/hoose  waxaa si wada jira Gacanta ugu haya Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM  waxaana ay dadka Reer Muqdisho is wewydiinayaan Suurta galnimada in Shabaab ay Awood u helaan weerar ay ku soo qaadaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>