Miino baaris ka bilaabanaysa meelihii lagala wareegay Shabaab

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Afgooye Oct 15,2012(SDN)-  Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Shariif Sheekhuna Maye oo la hadlayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Deegaanadii Al-Shabaab lagala wareegay ee Gobolada Ku dhaw dhaw Caasimadda ay geyn doonaan  Ciidamo si gaar ah ugu taba baran Baarista Miinooyinka si ay uga Hor tagaan Waxyaabaha qarxa ee Al Shabaab ay ka tageen .

Waxaa uu sheegay Taliyuhu in iyagoo ka hortagaya in Shacabka iyo Ciidamadaba ay  Dhibaato ka soo gaarto Miinooyinka Aasaan ay Dhaqso u bilaabi doonaan Fulinta Qorshahaan oo ay Ciidamo geyn Doonaan Dhamaan Deegaanadii Al-Shabaab laga saaray Ee Gobolada Shabeelooyinka.

Hadalka Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxaa uu Imaanayaa iyadoo inta badan ay ka dhacaan Goobihii laga saaray Shabaab Qaraxyo Khasaarooyin u geestay Shacabka oo lala eegto Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxaana aan la ogeyn sida ay uga fuli doonto Booliska Soomaaliya Balan qaadka Nuucaan ah iyadoo la wada og yahay in Balan Qaadyo badan oo la sameeyay aysan dhaqan galin.

SDN-AFgooye

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>