Qaraxyo hareeyay Kismaayo, Jubbada hoose

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Kismaayo Oct 15,2012(SDN)-  Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi ka dhaceen qaraxyo xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha Dowladda oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in qaraxyada ay ahaayeen kuwa xooggan islamarkaana aan geysan qasaaro, waxaana ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah Kooxihii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Saldhigga Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

” Qaraxyada waxay ahaayeen kuwa lagu carqaladeynayay ammaanka, laakiin waan ka hortagnay, Kooxihii falkaasi gaystayna qaarkood gacanta ayaan ku haynaa” sidaasi waxa yiri Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa degan, waxaana la sheegay in qaraxyadii xalay ay ka dambeeyeen Kooxda Al Shabaab oo kasoo horjeeda Ciidamada huwanta ah ee dhawaan la wareegay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo ay dhaqaalo badan ka heli jireen.

SDN-Nairobi

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>