Baladweyne Oct 17, 2012(SDN)- Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca ammaanka ee Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya Axmed Cismaan Cabdalla Inji oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Magaaladaasi ay ku duuli doonaan deegaannada ay Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Axmed Inji ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada dhawaan gaaray halkaasi ee Jabuutiyaanka ah ay qaadi doonaan dagaal, islamarkaana hubkooda iyo qalabkooda uu u dhameystiran yahay, wuxuuna tilmaamay in u jeedka howlgalka uu yahay mid aan la dooneynin in lagu dhibaateeyo shacabka, hase ahaatee lagu burburiyo Al Shabaab.
” Muhiimadda waxa weeye inay qabtaan meelaha ay ku sugan yihiin Al Shabaab, qorshaha ayaa socda, marka Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti ayaa iska kaashan doono howlgalkaasi, qorshuhuna waa uu socdaa” sidaasi waxa yiri Guddoomiye ku xiggeenka gobolka Hiiraan.
Ciimado ka tirsan kuwa AMISOM ee ku sii qul qulaya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay imaaneysa xili maamulka Hiiraan ay sheegeen in ay qaadi doonaan dagaalo ay Shabaab kaga saari doonaan qeybaha ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Max’ed Max’ud Tuuryare
SDN-Baladweyne
Contact@somalidiasporanews.com