Dadka Deegaanka No. 50 oo cabasho ka ah Ciidamada AMISOM

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Afgooye Oct 17, 2012(SDN)- Dadka dagan deegaanka  Lambar 50 ayaa cashabo ka muujiyay  Ceelbiyoodkii  kaleya ee ku yaallay deegaankaasi oo ay  fariisin ka samaysteen Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee  AMISOM oo dhawaan la wareegey deegaanno iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Sh/hoose iyaga iyo Ciidamada Dowladda oo wada jir ah.

Dadka ayaa sheegay in maadaama ay Fariisin Ciidamada AMISOM ka sameysteen halkaasi, haddana aysan jirin meel kale oo ay biyo ka cabaan, waxaana ay ku baaqeen in dhibaatada laga dul qaado, si ay u haleen biyo Nadiif ah.

“Haddii meelaha lala wareegayo ay noqdaan meel ay muhiim u tahay shacabka waa dhibaato, marka hala joojiyo oo halaga fogaado wax waliba oo dhibaato u horseedaya shacabka” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan gobolkaasi oo qariyay magaciisa.

Guddoomiyaha ku xiggeenka gobolka  Sh/hoose C/laahi Muuse Abuukar  ayaa arintaas gaashaanka u darooray  balse waxaa uu sheegay inay wax ka jiraan dhibaayooyinkas qaar ka mid ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dadka ku nool gobolka Sh/hoose gaar ahaan deegaannada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay kasoo yeerto cabasho ballaaran.

Max’ed Max’ud Tuuryare

SDN-Muqdisho

Contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>