Muqdisho Oct 17, 2012(SDN)- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlibiyad leh ku ansixiyey R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon.
Kadib qudbado ay kala jeediyeen Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sidoo kale R/Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayey Xildhibaanada ansixiyeen R/wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn halkaasi waxa uu ka jeediyey qudbad xasaasi isagoona ka codsaday Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay ansixiyaan R/Wasaaraha cusub isagoo carabka ku adkeeyey in magacaabista R/Wasaarahaani uu ka soo sameeyey wada tashiyo badan oo sifiiyin badan ku doortay.
R/Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa isana waxa uu madasha kulanka Xildhibaanada ka jeediyey Qudbad dhinacyo badan taabaneysay oo ku aadan waxqabadka uu la imaan doono.
Shirdoon ayaa ka codsaday Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya inay codkooda siiyaan si uu sii guto waajibaadka qaran ee saaran.
R/Wasaaraha ayaa waxa uu xusay inuu soo dhisi doono Xukuumad Tayo leh isagoona tilmaamay inay xukumaadiiisa wax badan ka qaban doonto arimaha xiriirka gudaha iyo dibada ee Somalia, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo dib u dhiska dalka Somalia.
Xildhibaanada baarlamaanka soo xaadiray madashada ayaa tiradooda ahayd 215 Xildhibaan, waxaana shir guddoominayey kulanka Xildhibaanada Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, waxaana intaasi kadib cod loo qaaday ansixinta R/Wasaare Shirdoon.
XIldhibaanada ayaa cod aqlibiyad leh ugu codeeyey R/Wasaaraha Cusub Soomaaliya iyadoona xusid ay mudan in aysan jirin cid diiday ama ka aamustay dhammaanba ay codka kalsoonida si rasmi ah u siiyeen R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Mr. Saacid ayaa looga fadhiyaa inuu soo dhiso Xukuumad kooban oo tayo leh taa oo wax ka badali doonto xaalada dalka Soomaaliya.
Max’ed Max’ud Tuuryare
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com