Muqdisho Oct 17, 2012(SDN)- Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda daka Soomaaliya kullan ay ku yeesheen Xildhibaanada barlamanka Soomaaliya kaasi oo maanta lagu wado in lagu horkeeno R/wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.
Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in lagama maarmaan ay tahay in maanta Xildhibaanada ay soo xaadiraan, maadaama barlamanka la horkeenayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon si codka kalsoonida loogu qaado.
Kullanka ayaa la filayaa in uu dhaco saacadaha soo socda, iyadoo sidoo kale ay soo xaadi doonaan dhamaan Guddoomiyaha barlamanka iyo ku xigeennadiisa sida ay sheegayaan ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha barlamanka Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.
Hadduu dhaco kullankaani kala soco Website-ka qurbejoog.com haddii Alle inoo saamaxo
Max’ed Max’ud Tuuryare
SDN-Muqdisho
Contact@somalidiasporanews.com