Wasiir Duur oo Sal Fudaydkiisu Gaadhay Heer Madaxweynuhu Siiyo Digniin Ka Turjumaysa Go’aankiisa Siyaasiga ah

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa Oct 29,2012(SDN/Hubaal)- Boolatiinka Wararka ee loogu yeedho Indian Ocean Newsletter ayaa ………. Waxa  uu boggiisa hore ku daabacay Warbixin qoto dheer oo uu kaga faalloonayo Taageeradii Tooska ahayd ee uu Sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) inay ka xukuumad ahaan u fidiyeen Madaxaweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu ugu soo baxo tartankii doorashada ee horaantii bishii September ka dhacday Muqdisho.

Boolatiinkan oo ah Majallad si toddobaadle ah uga faalloota arrimaha Siyaasadda iyo dublamaasiyadda ee Qaaradda Afrika ayaa Warbixintan ku  taxay guul-darrooyin siyaasadeed oo Wasiirka Daakhiliga Somaliland u horseeday Xukuumadda muddadii uu ka tirsanaa, kuwaas oo ay kamid ahaayeen sida Warbixinta lagu xusay  Tahniyad uu si laab la kac ah ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo noqotay Boog ay mar walba damqaan Mucaaridku isla markaana gaadhay heer uu  khilaaf ka dhex qarxo madaxweynaha iyo wasiirkiisa, inkastoo la dembabasay dedaalo bandanna lagu geliyay inaanu debedda u soo bixin.

Waxyeellooyinka ay warbixintu taxday ee Wasiir Duur u horseeday Qaranka ayaa waxa kale oo  kamid ahaa Khilaafaad iyo Uur-xumo uu kala dhex dhigay Beelaha ood wadaagta ah ee wada dega deegaanka u dhexeeya Boorama iyo Gabiley, kuwaas oo Boolatiinku ku tilmaamay in ay sababeen go’aano fudayd iyo ka fiirsasho la’aani ku dheehan yihiin oo Wasiirka arrimaha guduhu  markii xilka loo magacaabay wax yar ka dib-ba ka soo saaray shaqaaqo ka dhacday Deegaanka Seemaal, kuwaas oo sii huriyey dhibaatadii oognayd. Warbixintu waxa kale oo ay  xustay xidhiidh ay ku tilmaamtay inuu ka dhexeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo Gadhwadeenka ka yahay, wasiirradaas oo uu ka mid yahay Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur), wasiirka Daakhiliga Somaliland. Dhinaca kale Boolatiinkani waxa uu hoosta ka xariiqay Qoraal  Madaxweyne Axmed-Siilaanyo  bishan October 10-keedii uu ku socodsiiyey  Wasiir Maxamed Nuur Carraale, taasi oo uu ku dhalleeceeyey kuna eedeeyey Xidhiidhka aanu qarsaninba ee uu la leeyahay ururkaas Ikhwaanul Muslimiin.

Warqadan Qoraalka ah ayaa sidoo kale warbixintu xustay in ay xambaarsanayd cadho uu Madaxweynuhu ka qaaday Waraysi uu Wasiir Duur Siiyey HCTV bishii hore oo ahaa ka dibedda us oo saaray taageerada ururka Al Islaax, oo wasiirku ku faanay in aanay shaqadiisa iyo hawlaha kale ee Qaranka wax caqabad ah ku yeelanayn, hase yeeshee Farriinta ay xambaarsanayd Warqadda Madaxweynuhu ay Muujinaysay  qoomamada uu Taageeradaas iyo dhaawaca ay geyeysiinayso haybadii  Qaranka.

Qoddobka kale ee xusida mudan ee Warqada Madaxweynaha ku suntanayd ayaa warbixinta Boolatiinku ku tilmaamtay inuu yahay in Wasiirka lagu Eedeeyey intii uu xilka hayay inaanu si adag u  dhaleecayn ururrada xagjirka ah, Argagaxisada iyo kooxaha kale ee Asal-raaca ah guud ahaantoodba. Ugu danbayntii, waxaa wasiirka aad loogu canaantay inaanu hoosba u dayin warbixinaha ay sirdoonku usoo gudbiyaan uguna sheegeen dhawr jeer in hogaamiyayaasha argagixisada iyo qoysaskoodu  aad ugu soo qul-qulayaan Somaliland iyaga oo kusoo galaya qaxooti ahaan.

Madaxweynuhu wuxuu kusoo gabagabeeyay  warqadiisa, isaga oo si toosa u abaarray ama ula hadlaya wasiirkiisa arrimaha gudaha, in tani tahay digniintii ugu danbaysay oo ka turjumaysa go’aankiisa siyaasiga ah.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>