Hargeysa oo caawa haawanaysa, maxay tahay sababtu?!!!

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

Hargeysa 26, November 2012 (SDN)- Magaalada Hargeysa waxa gelinkii dambe ee Isniinta maanta iyo caawa si aad ah looga dareemay inuu isbedel ku yimi marka la eego xaddiga bulshada ku dhaqan.

Labadii maalmood ee u dambeeyay waxa jiray in baabuur tiro badani ay dad ka daabulayeen caasimadda Hargeysa, kuwaasoo loogu talogalay inay ka codeeyaan magaalooyinka kale ee dalka qaarkood, iyadoo sida la sheegay murashaxiin meelo kala duwan ka tartamaya iyo xisbiyada/ururada siyaasadda qaarkood ku lug leeyihiin daabulista dadka dhawr iyo afartankii saacadood ee u dambeeyay laga daabulay magaalada Hargeysa.

Waxa la sheegay in dadkaas oo dhalinyaro u badan intooda ugu badan loo raray magaalooyinka Burco iyo Berbera, kuwaasoo qaar ka mid ah murashaxiinta magaalooyinkaas ka tartamayaa lacago u balanqaadeen.

Maanta waxa la arkayay basas iyo baabuurta Waaraadka loo yaqaan oo dhalinyaro badan laga buuxiyay, kana shiraacday gudaha magaalada Hargeysa.

Daabulista dhalinyaradan waxa aan ka madhnayn doorashada qabiilka ku salaysan ee Somaliland, inkastoo intooda ugu badan lacag yar oo la siiyo lagaga faa’iidaysanayo.

Daad-guraynta dhalinyaradan da’doodu aadka u yar tahay, waxa gelinkii dambe ilaa caawa aad loogu hadal-hayay goobaha lagu kulmo ee gudaha magaalada Hargeysa, iyadoo qof kasta oo magaalada dhexmara horena u degenaa uu dareemi karo in dad xaddigoodu badan yahay ka maqan yihiin.

Tani waxay qayb ka tahay xumadda doorashada Deegaanka oo Arbacadda soo socota oo maalin keliyi ka hadhsan tahay loo dareeri doono, taasoo ay ka dhacaysa ilaa 23 degmo-doorasho oo ku kala yaala dhamaan degaamada Somaliland.

Dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in mid ka mid ah baabuurta dhalinyaradaas lagu daabulay uu ku dhacay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo magaalo-xeebeedda Berbera.

Weli ma jirto cid rasmi ahaan xaqiijisay dhacdadaas iyo khasaaraha ka dhashay, laakiin waxa jira warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in tiro dhalinyaro ahi ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxay xidhiidh la samaysay masuuliyiin ka tirsan cusbatalka guud ee Hargeysa, inkastoo aanay noo suurtogelin in aanu la xidhiidhno madaxda cusbatalka magaalada Berbera, manay helin wax xog ah oo xaqiijinaysa dhab ahaan jiritaanka shilkaas baabuur oo ilaa hadda warkiisu ku kooban yahay mid la isla dhexmarayo.

Warkani waxa uu sii hurinayaa walaac ay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Hargeysa ka muujiyeen saamaynta ka dhalan karta in dhalinyaro aad u yaryar loo daabulo magaalooyin kale, marka laga hadlayo dhaqanka iyo noloshooda intaba. “Waxa la geeyay magaalooyin aanay weligood arag, cida geysayna suurtogal maaha inay wada sugi karto ilaalintooda dhan walba,” ayuu yidhi aqoonyahan degen Hargeysa oo shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com la wadaagay dareenkiisa arrintan ku saabsan. “Waxay keeni kartaa dhaqano kale oo lagu lamaaneeyo doorashooyinka, sidoo kale waxay khatar dhinaca soo bixista ah ku noqon kartaa murashaxiinta tirada badan ee Hargeysa, sababtoo ah dadka codeeyaa waa dhalinyarada iyo dumarka, markaa haddii dhalinyaradii lagala hoos-baxo, khatar bay ku noqon kartaa iyaga (murashaxiinta Hargeysa),” ayuu hadalkiisa raaciyay. “Waxa kale oo ay dhaqamo kale u horseedaysaa dhalinyarada la guray laftooda,” ayuu yidhi.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>