SHEEKADA ‘QURBEJOOG’ – qiso qof, qoys iyo qaran(Qeybtii 8aad)

Filed under: Features |

Tibaax iyo tilmaan: “Sheekadani waxay kaalinta kowaad ka gashay tartankii Sheeko iyo Shaahid 2012, waxana halkan dib loogu dabacay oggolaansho rasmi ah oo waafaqsan sharciga xuquuqda faafinta iyo xeerka barnaamijka Sheeko iyo Shaahid, oggolaanshahaas oo laga helay maamulka barmaamijka. Xuquuqda hal-abuurku waxay u dhowran tahay qoraaga oo lagala xidhiidhi karo: mbiixi@googlemail.com.”

Ku soo dhawaada qisada qaybteeda 8aad:

 

….. Goorta uu daadaawashada waxyaabahaas ka daallo, badiyaa kuraasta beerta ayuu iska fadhiyi jiray, waxaanu akhriyi jiray buugag Ingiriis, Soomaali iyo Carabi ba leh oo suugaan iyo sheekooyin ah. Aabihiis Sh Saleebaan buu si wacan uga bartay luqadda Carabiga iyo Afka Soomaaligaba, aadna wuu ugu wacnaa labadaba. Maantii dambe oo uu buugagiisii suugaanta iyo sheekooyinka ku madadaalanaayo, ayuu ku soo baxay gabaygii Cismaan Aadan-dibi (Gun iyo baar eeg), ee uu hawada u marin jiray inaabtidiis Ugaaso Nuur oo ay aad isugu wacnaayeen, laakiin se reerkooda iyo keedu si xun u coloobeen. Wuxu aad uga helay gabayga Cismaan, iyo sheekada gabayga keentayba, waxaanu aad isu dul taagay meerisyadda ah:

 

“Geeluba Ugaasooy markuu, ayda miranaayo.

Abeerkiisa naaxiyo markuu, aaranku is waayo.

Isaguba ma kala aamusee, waysu ololaaye.

Inaabtaay nin aragaaga jecel, kuuna iman waayay.

Oo’ ooddi kaga meersantahay, Aqalka aad joogto.

Oo eed sokeeyiyo ka baqay, ubatiyo qaylo.

Arrin sidaad u kala laasataan, adiga uun baa og.”

 

“Anigu ma gabyo, laakiin malaha hadaan gabay abaabuli lahaa, xaajadu xal bay yeelan lahayd.” Buu hoos isu yidhi. In kastoo uu wali Saamiya si wayn maanka ugu hayo, hadana si dhab ah buu u ogyahay inaanay xaajadaasi sii wadwad dambe lahayn. Sanad kadib buu bilaabay inuu waxbarashadii dib ugu laabto, waxaanay taasi ka caawisay inuu ka yaraado ku fikirka Saamiya iyo guud ahaanba wixii dhacay. Geesta kale, waxay maalmahaas is barteen inantii Maria Fernando ee hoos ahaan isagu uu ‘Shacni Wanaag’ ula baxay oo ka timid wadanka Spain. Maria waxay barataa cilmiga raadraaca jiritaanka quruumihii hore ee afka ingiriiska loo yaqaano Archaeology. Waxay marar dhawr ah si qiiro iyo hab-sami ba leh uga warantay, oo aadna qalbigiisa u ruxay, taariikhdii Spane iyo muslinkii dhulkaas 700 ka sanadood ku dhaqnaa ee laga dabar gooyay. Waxay ka warantay taariikhdii madobayd iyo Maxkamadihii Baadhista (The Inquisitive Courts) oo sanadkii 1480, ay sameeyeen Boqor Ferdinand 2 iyo Isabella 1. Maxkamadaha shaqadoodu waxay ahayd, inay dambiyo ku qaadaan cidii u hogaansami wayda amarkii boqorka oo ahaa inay Muslimiinta iyo Yuhuudii la noolaydba masiixiyoobaan, ama wadanka iskaga baxaan, hantidoodana lala wareego.

 

Waxay u sheegtay inay dad badani waagaas masiixiyoobeen, qaar kalena, si qarsoodi ah, laakiin dhib badan diintooda u haysteen. Waxay uga warantay inuu qoyskeedu asal ku leeyahay dadkii noocaas ahaa ee magaalada Qurduba la yidhaaho ku dhaqnaan jiray oo raadadkoodii maantaba joogaan. Waxay ahaayeen dadkii culuumta Sayniska iyo farsamooyinka casriga ah ee dhismahaba u bilaabay Yurubiyanka. Sidaas darted, waxay u sheegtay, inay Islaamka iyo Muslimiinta kalgacal badan u qabto. Muddo aan badnayn hadii ay is yaqaaneena, waxay gudoonsatay, oo isagana u sheegtay inay islaamka soo galayso, ayna ku faraxsantahay inay raadkii aabayaasheedii hore qabato, isaguna uu yahay qofka sidaas sabab ugu noqday. Maria magaceedii waxay u bedeshay Maryan, waxaanay ku gudoonsadeen inay nolol wada dhisaan. Axmed-waayeel si dhab ah buu ula qaatay Maryan arintaas, waxaanu ka dhabeeyay fikir waayadaba ku xooganaa oo ahaa inaanu gabadh Soomaaliyeed oo dambeba, Saamiya kadib, shaqo ku darsanin. Axmed-waayeel iyo Maryan mar dambe ayay is guursadeen, aadna way isugu badhaadheen.

 

Hadii isagu uu is daba-qabtay oo jihadaas u dhaqaaqay, waxa waddo taas aad uga duwan qaaday gabadhii Saamiya ahayd. Iyadu sidii ay maalintii qolka isugu xidhay miyir ba waa laga waayay. Hooyadeed iyo booliiska ayaa qolka ku jabiyay 24 saacadood kadib markii ay gashay, waxaana loola cararay cisbitaalka. Dhibaato wayni ma haynin ee fuuqbax jidhkeeda ku yimid, iyo awood darro ka dhalatay cunto la’aan uun bay ahayd. Dhakhsoba waa loo daaweeyay oo jidhkeedu caadi buu ku soo noqday, laakiin qalbigeedii ayaan soo noqonin. Hadalba waa laga waayay usbuucyo badan, nolosheeduna waxay ku ururtay sariirta dusheeda oo aanay dhannaba u dhaafin. Shaqadii lacag-qabtaha ahayd ee ay waagii dhawayd ka bilawday McDonald’s ka xaafadeedana way lumisay markii wax jawaab ahba laga waayay waraaqo badan oo loo soo diray. Waxaas iyadu dan iyo muraad toona kama laha, waxaana ka dhaadhacsan inaanay jirinba sabab ay u shaqaysaa mar hadii mustaqbalkii ay dhisaysay uu sidaas sahlan mugdiga u galay. Talo badan oo hooyadeed iyo asxaabta kaleba ay u jeediyeen maskaxdeeda kolnaba ma galin. Durba wakaas miisaankii jidhkeedu si aan caadi ahayn u soo kordhaaya, timo feedhasho iyo is dhaqaalayn kale ee gabadh dhalinyaro ah lagu yaqiinay, oo Saamiya ay aad ugu dadaali jirtayna, waa hore ayay kala dhaqaaqeen. Lix bilood oo kaliya ayay ugu ekaatay qof kale oo aan iyadiiba ahayn, banaan loo baxo iyo waayo kale oo aduunyona si dhab ah bay isu daayeen.

 

Sanad wareer iyo jiho-la’aan ah kadib, waatii bilawday inay Internet ka kala sheekaysato wiil ay duruuftiisa nololeed mideeda ula ekaatay. Waxay bilawday inay goor kastaba la hadasho, hooyadeedna waxay u qaadatay malaha inay Saamiya noloshii caadiga ahayd dib ugu soo laabanayso. Wiilkii waakii ku qanciyay inay banaanka u soo baxdo oo ay kulmaan, waanay ogolaatay. Waatii ay balan wada qaateen, si fool-ka-fool ahna u kulmeen. Wiilku wuxu qayb ka yahay koox dhalinyaro ah, oo wiilal iyo gabdhoba isugu jira oo isla baxdobay, oo can ku ah magaca ‘Shankstarz’ oo fadhigoodu yahay isla xaafada ay Saamiya dagantahay. Kooxda Shankstarz ku waa budhcad dadlays ah, waxaanay bedeleen kooxdii iyaga ka waawaynayd ee la odhan jiray Edmonton Mandem ee dadka midiyaha ku booby jirtay. Si fiican bay wadadii kooxda hore u hayaan, waxaana madax u ah wiilka Saamiya Internetka ka soo hogaamiyay oo la yidhaaho Aiden Palmer, waxay se kooxdu u yaqaanaan “Stormer,”, waxaana ku xiga wiil walaalkiis ah oo la yidhaaho Liam Palmer, kuna magic dheer “Danger”. Kooxda oo dhan, oo cadaan u badani waxay leeyihiin naanaysyo ay isugu yeedhaan, waxaana ka mid ah, Bugzy, Ice Murder, Brizzo, Dynamic, Kaos, Stormer, Terminator iyo qaar kale oo badan. Habeenkii koobaadba Saamiya waxa lagu soo dhaweeyay kooxda, waxaanay u bixiyeen Bisada shilis (The fat cat), laakiin iyada baryihii hore looma sheegin, cidina uguma yeedhi jirin.

 

Wiilkii ay Saamiya is barteen ayaa kooxda u sheegay inanay Saamiya wax balwad ah, haba yaraatee lahayn, aadna way ula yaabeen. Wuxu kooxda u sheegay, oo ay iyadana aad ula yaabeen, inay Saamiya aabo iyo hooyo ay labadaba taqaano leedahay, taas baana ka sii yaabisay. Kooxda mid aabihiis yaqaanaa kuma jiro, ka ugu dhawna magic nin aabihiis lagu sheegay buu hooyadiis ka maqlay. Wiilka ay Saamiya is barteen wuxu u sheegay inuu umaddo badan ka soo jeedo, mid uu isku tiriyona aanu dhab u aqoonin. Wuxu u sheegay inay hooyadiis iska dhal nus Jarmal ah tahay, ayna ka mid ahayd caruurtii loo yaqaanay (Brown babies = Caruurtii Binniga ahayd), kuwaas oo ay dhaleen hablihii Jarmalka ee askartii madoobayd ee Maraykanku ay wadan jireen kadib markii Jarmalka dagaalkii labaad looga adkaaday. Sidoo kale, wuxu u sheegay, inuu hooyadiis ka maqlay inuu aabihiisna sidoo kale iskadhal ahaa, kana soo jeeday wadanka Dominican Republic loo yaqaano, laakiin aanu waligiis arkin. Kooxda intooda kalena way kaba sii liidatay oo xataa wararkaas uu saaxiibkood ka sheegay meelaha uu ka soo jeedo badankoodu maba hayaan, inay hayaana ma rabaan. Gabadhii Saamiya ahayd maalmihii hore way ka yar nixi jirtay waxyaabaha ay kooxdu ku kacaan ee boob, dil iyo daroogoba leh, laakiin markii dambe way iska gaadiiday.

 

Gabadhii Saamiya ahayd, saaxiibkeed wuxu baray khamriga iyo xashiishada. Wuxu ugu sheegay inay farxad iyo degenaansho nafsadeed sabab u yihiin, la’aantoodna aanay farxi doonin. Baryihii hore bilaash bay ku siin jireen, laakiin maalmihii dambe xaalku waa is bedelay. Hooyo Farduus iyo qoyskii talo faro uguma jirto, waanay hubaan inay gabadhii jiho kale u socoto, waxba se kama qaban karaan. Baryihii hore Saamiya way diidi jirtay inay kooxda la hoyato guryahooda urta iyo foolxumada badan, laakiin waagii dambe markii laga joojiyay khamrigii iyo daroogadii bilaashka ahayd si dhab ah bay u ogolaatay shardi kasta oo ay diidi jirtay, oo ay ku jirto inay habeen iyo habeenoba la dhaxdo. Maalmo badan waatii goor duhur ah soo toostay iyadoo aan maryoba lagu ogayn oo jiifta sagxada qol banaan oo aan wax alaabo ahi ooolin. Waagaas bay si dhab ah u gashay caalam kale, isla markaana ay jartay xidhiidhkii qoyskooda gabi ahaantiisba. Waatii maalin baska ku aragtay aabaheed Aw Mirqaan ee iyadoo aan la hadlin iska dhaaftay, waxay se ku dirtay kooxdii ay ka mid ahayd oo hadhkii cadaa si xun gacan ugu gaystay.

 

 

****La Soco qaybta 9aad*****

 

By Maxamed Haaruun.

mbiixi@googlemail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>