Gunaanadka SHEEKADA ‘QURBEJOOG’ – qiso qof, qoys iyo qaran(Qeybtii 12aad)

Filed under: Features,Wararkii ugu Dambeeyay |

Fariin kooban: akhristayaal iyo saaxiibayaal, waxan idinla wadaagayaa dhawr arimood oo ay tahay inaan tilmaamo inta aanan qaybta ugu dambaysa ee sheekada iyo idinka idiin kala bixin. Waxan ugu horaynba halkan uga mahad celinayaa asxaabta iyo akhristayaashii emails ka, telefoonada, facebook iyo sida tooska ahba iigu soo war celiyay markay sheekadan akhriyeen, inta soo socotana waan ka dhur sugayaa. Waxan u mahad celinayaa bahda websites yada, intoodii aan tooska ula xidhiidhay, iyo intii iyaka ka sii xigatay sheekada ee aniga ogolaanshaha I soo waydiiyayba. Dhamaantiin aad baad u mahadsantihiin. Sheekadan aan manta soo khatimaynaa, sidaan horeyba u sheegnay, waxay kaalinta koobaad ka gashay tartankii sanadlaha ahaa ee Sheeko iyo Shaahid – 2012, waxaana lagu daabacay ogolaansho rasmi ah oo ay bixisay shirkada barnaamijkaas abaabusha. Sheekadani waxay qayb ka noqon doontaa sheekooyin ku soo bixi doontaa buug soo baxaaya 2013 ka horaantiisa oo ay ku jiraan lixdii sheeko ee ugu horeeyay tartankaas 2012.

 

Gabagabadii, waxan ereyo ka sheegayaa baadhitaankii aan ugu laabtay lahaanshaha gabaygii aan sheekadan qaybteedii 8aad, ee baxday 26 November, 2012 ku soo qaatay. Gabayga aan ka hadlayaa maaha mid qarsoomi kara ee waa mid ay Soomaalidu wada taqaano, laakiin sida baryahan dambe dhacday, gabay aan cidda tirisay la isku qabsani waaba yaryahay. Gabaygu waa midkii ay ereyadiisa ka mid ahaayeen, “Geeluba Ugaasooy markuu, ayda miranaayo…” Anigu waxan gabayga ku sheegay inuu tirshay nin la odhan jiray Cismaan Aadan-dibi (Gun-iyo-baar Eeg), laakiin fariimo tiro badan oo ii yimid waxay sheegeen inaanu ninkaasi ahayn ninka gabayga tiriyay, laakiin iyana mid iskuma raacin. Baadhitaan dambe oo aan sameeyay, walina socda, waxan ku ogaaday in gabayada caanka ah badankood la isku haysto. Is boobkii Soomaalidu hantida mood iyo noolba leh ee geelu ugu mudanyahay kuma e’ka ee wuu ka durugsanyahay gees kastaba. Qof kasta oo dadkii aan la xidhiidhay ka mid ahiba wuxu ii sheegay qof gooni ah, sida muuqatana, qof kastaaba ninkii uu gabay ku ogaa, maalin uun na haween wax u tiriyay buu ii sheegay! Raga aan ilaa imika dooda xoogan u hayo waxa koow ka ah Raage Ugaas oo Soomaalida badankeedu ay u aqoonsanyihiin inuu ahaa aabaha gabayga Soomaalida ee manta aynu naqaano. Waxa I soo gaadhay isna nin kale oo Cabaade Geele la yidhaaho oo isagu soo dhawaaday, 1970s kina Radio Hargeysa ka gabyi jiray iyo rag kale oo badan oo aanu Cilmi Boodhari ka maqnayn! Dabcan sheegashooyinka oo dhami ma wada saxna, tuducyo ama meerisyo isu gala oo gabayo kala duwan ku jiraana waa la arkaa mararka qaarkood, ilaa imikana baadhistii waan ku jiraa.

 

 

Wax la raajaa rag (dad) kuma samee, Ku soo dhawaada qisada qaybteedii 12aad:

 

….. Tigidhadii Wadankii loogu baxaayay maalin hore ayay dhaceen, laakiin cidina dan kama laha. Marka wakhtigoodu qaar dhacoba, tigidho kale ayaa hadba la goostaa oo hadana wakhtigoodu dhacaa! Markii la dhamaystay wax ‘nasasho’ lagu sheegay, waatii aakhirkii wadankii loo ambabaxay. Waxa khalkhal wayni ka dhacay safarkoodii kolba baaqanaayay. Marar badan baa haween, caruur, madax-dhaqameed iyo ganacsato beesha u badan wadooyinka la tubay, laakiin hadana loo sheegay inuu Amiir Carbeed Gudoomiyihii u yeedhay oo baajiyay. Waxay maalmuhu is riixaanba, waatii maalintii Jimcuhu soo gashay, waatii diyaaradii Daallo ula soo duushay halkaas iyo wadankii. Cid u sheegtay mooyee, dadku waxay iska dhaadhiciyeen inuu Amiirka Imaaraadku dayuurad khaas ah soo siiyay. Waatii dhawr Wargays oo kuwa reerka ah iyo wiilashii Mareegaha beesha wax ku qori jirayba la diyaariyay. Caruur dugsiyadii laaga baajiyay oo tiro badanna waatii shan ka mid ah ubaxyo loo dhiibay ee madaarka lagu diyaariyay si ay waftiga qoorta ugu sudhaan. Xataa Xaaji Warfaa oo ay Gudoomiyaha aabihiis saaxiibo ahaayeen, kana mid ah ganacsatada waawayni waakii shan iyo toban kun oo Doolar ku bixyay in lagu soo iibsho roog cas oo dhulka lagu goglo marka gudoonshaha la soo dhawaynaayo. Reerihii miyigana waatii laga soo kaxeeyay geel iyo lo’ tiro badan oo maalintaas la qallo.

 

Sida muuqata, soo dhawaynta gudoonshaha looma kala hadhin, rag badan, oo Xaaji Warfaa ugu magac dheeryahay, oo sida dadku ku xanto, aan agoontii walaalkiis ka dhintay kiish bariis ah u quudhin saw kiishada ma furin, reer miyi sabool ahina xoolohoodii oo aanay caruurtadaba u hurin ma dhiibin. Maxay u dhiibi waayeen saw sharaftii reerka lagu dhisi mayo? Indhaha qofka Soomaaliga ah, ma mabdda wax lagu bixiyo ama loo dhinto oo taas ka wayn baa jirta? Saw doofaarkaba, sida ay Soomaalidu ku hal qabsato, ficil la’aan looma cadaabo, qofkii aan ficil lahaynina xawayaankaas la meeqaan maaha ama kamaba liito? Haa waa sidaas, waana sababta fursada siisay Aw Mirqaan iyo ragiisa. Isla sababtaas ‘beelnimada’ ayaanay dambiilayaal badan, oo ay ahayd in xabsiyo lagu ilaaliyo ay sharaf ku leeyihiin oo ku daaqaan arlada.

 

Al-muhim, wax laga dhur sugoba, waatii diyaaradii Soo caggo dhigatay, ee sidii lagu balamay, salaan iyo ubaxyo lagu boobay markii uu Fatxi ka soo baxayba. Waakii diyaaradii kala soo dagay magaciisa cusub ee Professor Fatxi Xaaji Yaasiin, dadkiina gacanta u taagay isagoo aad u yaaban. Waxa se qosol iyo maadiba ka dhacday markii isagoo mikirfoonkii shaadhka ku xidhan, oo is ilawsan uu saaxiibkiis Qaadiro la faqay ee yidhi, “Dadkani ma wada Reer-Qudhac baa?” Waakii maalintii xigtayba odayaashii la shiray, ee aad u hadlay. Waa hadlay oo hadana hadlay, wax macno badan lehna ma sheegin. Waxoogaygii loo laqimay ee ahaa inuu wax qabad ka hadlo, iyo intii uu iskaba yaqaanay ee beelaha ku saabsanayd buu hadba mid ku booday. Waakii yidhi, “Anigu wax badan baan wadanka ka maqnaa, isaga uun baanan u maqnaa. Anigu Carab iyo Cajam ba waan soo arkay, bari iyo Galbeedba waan tagay, Yurub wadan aanan cagaha dhigin na waa yaryahay. Manta aqoonyahan iyo waayo arag dhab ah baan ahay. Waxan ka shaqeeyay warshad cuntada ah oo Smith Baykary la yidhaaho oo Soomaali iyo Afrikaan toona aanu fooda galinin, xataa xafiisyada dawlada ee Council Offices ka loo yaqaanona mar baan sarkaal ka ahaa. Waxan imika doonayaa inaanan cid kale u shaqayn ee aan wadanka u shaqeeyo, waxyaabaha aan rabona waxa ugu horeeya inaan wadooyin biriijyo cirka marra saaran, oo saxmada badan ee baabuurta lagaga raysto dhakhso u dhiso.” Markuu halkaas marinaayay buu arkay in indhaha lagu yar gubay, markaa wuxu yidhi, “Ha la yaabina, aduunyadu manta maaha sidii hore, wadooyinkii dhulka waa laga tagay oo qaar cirka mara ayaa la gaadhay tignoolajiyada casriga ah awgeed.”

 

“Sidoo kale, waxan rabaa inaan biyaha badda macaaneeyo, kadibna soo talaabiyo oo deegaamada lagu oomanyahay ku so af-rogo, oo aan dad, dal iyo duunyo dambe toona u oomin biyo cir. Intaas baa dadka laga hagranayaa ilaa waligood. Miyaydaan ogayn inaanay carabtu biyo kaleba cabin oo gabigoodaba milixda uun laga afuufo. Sidoo kale, dabashan iyo cadceedan kulul ayaa koronto laga dhaliyaa, waxaanan qorshaynayaa magaalooyinka iska dhaafe in xataa miyiga iyo xeryaha adhiga laydhadh lagu xidho oo aan qof dambe oo habeen gudaayaba god ugu turunturoon, ama aanay qodaxi u mudin. Waxan doonayaa, oo suurtagal ah, in xoolaha mishiino caanaha lagaga maalo marka korontada goob kasta iyo geed kasta la sudho.” Saw wax aad garateen maaha? Waan hubaa inaan waxaas lix bilood gudahood ku fulin karo, waa se hadii qolyahan dhulka inala jooga la fahamsiiyo, ama laga dhaadhiciyo, in siyaasi aan beeshooda ahayni wax qaban karo. Haa, waa sidaas. Waxan filayaa inaad aad uga dharagsantihiin, inaan xataa dawladii Ingiriiska shir balaadhan oo muhiim ah la soo qaatay intaanan soo bixin, waxyaabo badana aanu isla meel dhignay. Waxan wajigooda si cadaan ah uga akhriyaayay inay u jeedaan wadanku waa hagaagayaa hadii dad xil-kas ah oo beeshan Reer-Qudhac ahi xilka qabtaan. Sidoo kale, waxan iyana muranba gali Karin oon indhahooda ka fahmay inay khaati ka joogaan beelahan kale iyo siyaasiyiintooda.”

 

Isagoo hadalkiisa sii wada ayuu yidhi, ”Wararka aan idiin hayaa ma yara, waxaana ka mid ah xataa inay Ingiriiska iyo Carabtuba maalgalin xoogan diyaar inoola yihiin, arintu se waxay si wayn ugu xidhantahay inaga iyo sidaan hadba reerahan xawayaanka ah ee inala dagan ula tacaalno. Xataa haday khasbayso inaan la dagaalano, oo sidii ugaadha oo kale uun kala didino way wacnaan lahayd, aniguna waan la hayaa, waxaanan u malaynayaa inuu dagaalku yahay xalka ugu dhakhsaha badan uguna fiican. Hadii aad igu waafaqdaan fikirka dagaalka, hal codsi baan horeyba idiinku soo gudbinayaa oo aan jecelehay inaad tix galisaan. Codsigaasi waa inydaan dagaal bilaabin intaan dib u laabanaayo, maxaa yeelay hawlo badan oo dagaalka aan looga maarmayn baan soo xalin lahaa! Wadanku waa barwaaqoobi lahaa, laakiin qolyo aanay waxaasi u cuntamaynin baa wadanka inagula dhaqan. Waxan idiin sheegayaa, oo xaqiiqo ah, inaan beesha Reer-Qansax iyo beesha kale ee Reer-Qodax toona sinaba u ogolayn nin beeshan R-Qudhac ah oo wax qabta ama muuqda. Anigu beelahaas waan necebahay, iyana waa I necebyihiin, idinkana waa idin necebyihiin ee sidaas ma u ogtihiin? Waxan ka baqayaa inaydaan sidaas u dareensanayn, way se muuqan doontaa.

 

Aniga meel aan joogo beelahani kuma soo dhacaan, xataa maydkayga ayaanay ku soo dhacaynin oo London waa la iiga waashay, waxan se ka baqayaa inay idinka idin harawsadaan oo beeentooda iyo, hadaladooda beerlaxawsigaa ah sida, “Dad wada dhashay baan nahay,” aad run u qaadataan! Ogaada, aniga waxa cirradan iga soo saaray maaha gabaw ee waa reerahaas dugaaga ah la dirirkooda iyo ka fikirkooda, waxaanan ahay ninka fashiliya shirqool kasta oo ay inoo maleegaan ee ay tab kala bixi waayeen. Xataa waxyalahay igu dayeen waxa ka mid ah inay yidhaahaan Abtaanu kuu nahay ee maxaa nagu kaa qaaday; anigu se waan u cadeeyay oo waan u sheegay inaan diidanahay uun dulmiga beeshayda ay ku hayaan. Markaa waxay yidhaahaan kuwa aanu dhalnay baa noogu daran, way se iska hadlayaan oo rag badan oo Liibaan Yuusuf-nacas ka mid yahay baa fikradahooda xambaarsan.” Halkas buu wax mariyay.

 

Odayaasha golaha fadhiya waxa ku jira cuqaal, salaadiin iyo qabqablayaal kale. Salaadiinta iyo cuqaasha qudhooda qaar baa shufto ah oo loo yaqaanaa cuqaasha ‘babta’ ah. Kuwaas waxa ka mid ah, Caaqil Ma hambeeye, Caaqil Dhaar-bilaashle, Suldaan Ma Dharge iyo Suldaan Dhuungooye, safka hore ayaanay manta fadhiyaan. Hadaladii Gudoomiyaha aad baa loo dhagaystay, dad badanina waa u rixiyeen. Nabadoon Geedi Obsiiye oo goobta fadhiyay iyo rag uu ku jiro ayaan se hadalkii inanku sinaba uga dagin. Nabadoon Geedi oo cadhaysan, aan se muujinaynin baa hadalki qaatay oo yidhi, “Adeer horta aabahaa baanu isku da ahayn ama anaaba sanado ka wayn. Imika gugii 95aad baa ii socda, raga halkan fadhiyana qaar badan baa ila mid ah ama igaba sii wayn. Waxan ahaa ragii Sayloon iyo Borma Dagaalkii Labaad ee dunida ka galay, waayo badanna waan u soo joogay. Adeer wadankan dhibaato ayaa ka dhacday, dad gacal ah baa is dilay, reerahan aad manta oo dhan ka hadlaysay, iyo reerkan aad sheeganaysona waxba uma dhexeeyaan anaga siday nala tahay. Tacliin la’aan, dhakhtar xumo, waddo xummo, maamul xummo iyo dhaqaale xummo ayaa haysata, waxaanan jeclaan lahayn inaad waxaas dawadoodii keentaan qoladiinan qurbuhu.

 

Adeer, anagu qoladiina qurbaha waxan ku tuhunaa dhaqaale iyo aqoon, ma se hubno sidaad u haysaan… Imika iyo haatan, madaxnimona waadigan yidhi waan rabaa, wadankana wakhti aad u dheer baad ka maqnayd, koley qof maqanina wixii uu la maqnaa isagaa og, hadal iyo guntiina, galabta waxaan kaga fadhinaa waa talo dhibaatooyinka aan tilmaanay iyo inta kale ee la taala, oo beeshaada iyo beelaha kaleba wada haysata lagu daweeyo ee miyaad haysaa? Nin wayn ereyadiisu waa inay tirsanaadaane, igaba dhan adeer.” Cuqaashii sacabka u tumaysay baa yidhi, “Waydaan is fahmin inanka.” Durbadiiba hadalkii waxa ku soo booday Gudoomiye Mirqaan, waxaanu yidhi, “Adeer waa lagaa dambeeyaa, waana lagaa dhex guuxayaa… Waan ogahay inaad Liibaan Yuusuf is xigtaan, hablahaagana waxa qaba beelahan aynu colka nahay ee adiga iyo raga kula midka ah maskaxda ka haysta. Waxa la gaadhay xiligii aan kaa tashan lahayn ee sidaas ku biyo cab.” Nabadoon Geedi shidoba isma galinin, wixii uu shubaayayna wuu dhagaystay, waanu ku qoslay. Qosolku mid farxadeed ma ahayn ee mid yaab iyo amakaag ka dhashay buu ahaa, waxaanu yidhi, “Waar ilayn balaayo badanaa, bello aan kaa qoslini beloba maaha dhaaxa la yidhi.”

 

Intaas hadii uu yidhi, waakii ninkii candhada gooyay, hadalkii uu u guud maray markii hore ayaanu imika gunta ugu daadagay, waxaanu yidhi, “Adeer, waxba iga guuxi maayaan, waxna iguma dhex jiraan ee waa kaligay, hadalkaas aad tidhina waa edebdaro. Adeer hadalkaagu waxba ima dhibaayo, waxan se ka yaabayaa inaad bulshada qas hor leh galisid, ma se dhacayso intaan noolahay. Nabadgalyada aad manta halkaas ku fadhido rag aan ka mid ahay baa wax ka dhisay, tacab iyo rafaad badanina waa naga galay. Cid ogolaan karta in nabada la taabtona ma jirto, mana jiri kartoba. Adeer, waxan kuu sheegayaa, beelahan Reer-Qansax iyo Reer-Qodax ee aad ka hadlayso wiilashooda qurbaha ka yimaadaa, gaar ahaan kuwii aad isku xilyada dhoofteen waa kuwa iskuulka magaalada iyo cisbitaalkaba soo dhisay, aadna waa loogu reeyay. Kuwo badan oo sidaadaas oo kale ahna waa leeyihiin, laakiin se kuwooda iyo adigaba anaga ayaan yeelaynin warkooda ee taas ogow.

 

Ina Xaaji-Yaasiinoow, Waxaad ku hadlayso ayaan arkayaa walaahi inaanad neef adhi ah haraad ka biinaynin. Wadooyin samada maraaya intaan la gaadhin kuwii dhulka ayaanaan hayninba, bad iyo barinna macaanayn maysid, taladeediina ma haysid. Adeer, dhalashadaadii baan ogaa, in badan baa lagaa dur sugay, aabahaana wixii uu xoolo lahaa wuu ku galiyay waa se lagugu khasaaray. Waxan u malaynayaa aabahaa inaanu waagii wiil khayr qababa ku ducaysan. Hooyadaa Qamar waagii markay odhan jirtay, “Dhirtaa ii wada magooshay, dhulkaa ii wada iftiimay…” adeer sedan may moodaynin, anana maanu moodaynin. Kuwa halkan nala jooga oo khasaare ahiba waa jiraan, waxa se ka xanuun badan kuwiina meelahaas ku maqan, ee aan sugaynay inay caqli iyo talo cusub keenaan, ee sedan qaabka daran iyagoo u fikiraaya nagu soo laabanaaya. Khasaare ka wayni ma jiro, waxaanan kugula talinayaa adeer inaad meelihii aad ka timid dib ugu laabato. Nabadoon Geedi mawqifkiisu wuxu bir ku gooyay rabitaankii Aw Mirqaan iyo kooxdiisa, candhuuftooda ayaanay dib u liqeen.

 

*****Dhamaad****

 

Doorkan kobtaas ha inoo sii daaqdo. Nabadgalyo.

 

Qore: Maxamed Haaruun Biixi – mbiixi@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>