Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo oo u Ambabaxay dalka Turkiga

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Dec 04, 2012 (SDN)— Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu maanta  ka ambabaxay garoonka diyaarahada  ee Aadan Cade Air-port  ee magaalada Muqdisho ,isagoona la sheegay inuu ku sii jeedo dalka Turkiga oo booqasho rasmi ah uu ka helay wadankaasi.

Madaxweynaha ayaa waxa uu  casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Abdulla Gül, waxaana safarkiisa ku jira  afar wasiir oo ka tirsan xukuumadda federaalka dalka iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya Jeneraal Cabdulqadir Sheekh Cali Diini.

Wasiirka  arimaha dibada ahana ra’iisal wasaareku xigeenka  marwo Foosiyo xaaji Yuusuf  oo garoonka diyaaradaha kula hadashaya  saxafaada ayaa sheegtay in waftigaan oo Socdaalka ook u salaysan yahay  casuumad laga helay xafiiska madaxwayaha turkiga ,sidoo kale wasiirada ku wehliya madaxwayanaha ay la kulmi doonana  mid walba dhigiisa  ,waxayna  ku joogi doonaan muddo afar maalmood ah.

Waftigaan ayaa sida la sheegay waxaa ay ku horayn doonaan magaalada Anakara  iyagoona    khamiista  gaari doonaa caasimada Intanbul.

Madaxda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo horumarrada caalamiga ee Dawlada tukrigu  ka gaysato qaaradda Afrika, gaar ahaan geeska Afrika.

Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>