AMISOM oo wacad ku martay in ay xaqiijineyso Ammaanka inta u dhaxeysa Marka iyo Muqdisho

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Muqdisho Dec 05, 2012 (SDN)— Ciidamada midawga afrika ee Somalia hawgalka kawada ayaa wacad ku maray in ay qaadi doonan qorshayaal lagu xoojinaayo amaanka konfurta wadanka Somalia gaar ahaan wadada weyn ee isku xirta magaalada caasimada muqdisho iyo konfurta wadanka kadib markii ay halkasi ay ka dhaceen isku day lagu doonayay  in lagu qaarijiyo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Karim Xuseen Guuleed.

Taliyaha ciidamaada AMISOM  ee Somalia janaraal adruru Guti ayaa war uu kasoo saaray magalada Adis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ku shegay in ciidamadooda ay fashiliyeen weerar lagu qaaday gaari uu la socday wasiirka arimaha gudaha Somalia oo marayay konfurta wadanka.

Guuti ayaa yiri”weerarada noocani oo kale ah waxa ay naxusuusinayaan sida aysan u haboonayn in aanu u dareeno wax damqasho ah”

Waxa uu janaraalka shaca ka qaaday in ay sii wadi doonan dadaalada ay ku taaagerayaan dawlada Somalia iyo sidi wadanka looga ciribtiri lahaa kooxda Al-shabab isagoona tusaale u soo qaatay iskashiki ay sida wadajirka u sameyen AMISOM  iyo ciidamada Soomaaliya in ay sababtay in Shabab ay isaga baxaan magaloyinka Marka, Kismaayo iyo Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>