Burco: Sidee xisbiyada/ururada siyaasaddu u kala heleen kuraasta Deegaanka, yaase ku hungoobay inuu wax ka helo? Halkan ka akhri magacyada xildhibaanada

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Burco 05, December 2012 (SDN)- Wakiilada heer degmo ee Komishanka Doorashooyinka u qaabilsan magaalada Burco, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada iyo siday xisbiyada iyo ururada siyaasaddu u kala heleen 21 xubnood ee golaha deegaanka degmadaasi ka kooban yahay, ka dib doorashadii Arbacaddii todobaadkii hore ka dhacday Somaliland.

Siday shaaciyeen, degmada Burco waxa laga dhiibtay codad gaadhaya 129,271 cod, waxaana 21 xubnood kala helay lix urur/xisbi siyaasadeed, iyadoo ururka Dalsan aanu wax kursi ah ka helin magaalada Burco.

Haddaba halkan ka akhri siday xisbiyada/ururadu u kala heleen iyo magacyada 21 xildhibaan ee cusub ee degmada Burco yeelan doonto 5 sannadood ee soo socda;

Kulmiye: 42363 cod, waxaanu helay 7 Xildhibaan oo kala ah;
Nuux Maxamed Xuseen,
Ibrahim Jamac Basaale (Gaboobe),
C/Raxmaan Xasan Nuur,
Maxamed Axmed Xasan (Diingool)
Mubaarik Yuusuf Cilmi(Bidhi),
Axmed Cabdi Dhinbiil,
C/Risaaq Muxumed Jamac Aar

WADDANI: 29461 cod, waxaanu helay 5 xildhibaan oo kala ah;

Axmed Maxamed Cali,
Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab),
C/Risaaq Xuseen Obsiye,
C/Kariin Maxamuud Cabdilaahi,
Xirsi Jaamac Cabdi

RAYS: 24577 cod, waxaanu helay 4 Xildhibaan oo kala ah;
Khadar Nuux Siciid,
Siciid Axmed Maxamed Raage,
Maxamed Yuusuf Cabdi,
Max’ed Aadan Cali;

UMMADDA 18,380 cod, waxaanu helay 3 xildhibaan oo kala ah;
Muxumed Xasan Jaamac ( Xoday),
Rashiid Faarax Gacanlaw,
Farxaan Cabdi aw Xirsi

UCID: 7542, waxaanu helay 1 xildhibaan oo ah
Cabdisaaq Xuseen Faarax Janaale;

Xaqsoor: 4171 cod, waxaanu helay 1Xildhibaan oo ah
Kayse Cabdi Raage;

DALSAN: 2093, wax kursi ah ma helin.

 

Qurbejoog.com, Burco

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>