Dadaal iyo Nasiib

Filed under: Features |

Waxan ku jiray ololaha doorashada muddo bil ka badan oo aan Hargeysa, Bullaxaar, Lughaya iyo Berbera isaga dab qaadayay si aan u guto waajibaadka iga saarraa inaan baraarujiyo dadkayga, kana kasbado taageerada aan u baahnaa inaan kaga mid noqdo golaha deegaanka degmada Berbera.

Wuxu ahaa hawlgal culus iyo tacab badan kaasoo aan xataa ku mutaystay inuu isoo  gaadho shil baabuur oo gaadhigu igula dhacay jidka u dhexeeya Bullaxaar iyo Laasgeel balse ilaahay iga badbaadiyay aniga iyo dhammaan intii ila socotayba.

Waxan u dadaalay oo aan u jeclaa inuu nasiib kaygu I gaadhsiiyo inaan ka mid noqdo golaha deegaanka degmada Berbera oo aan dadkayga iyo dalkayga u adeego balse kuma aan guulaysan dadaalkaas oo  sidaan u dadaalay hadana nasiib umaan helin kursigaa.

Guusha iyo guul darradu waa laba siman, loolanka doorashaduna waa bakhtiyaa nasiib, qofkasta oo caqli iyo iimaan lihi waa inuu garto inay labadaasi simanyihiin oo aanu ka qoomamoon haddii aanay siduu jeclaa u dhicin.

Waxa laga yaabaa inuu manta nin kursi ku helay inka yar intay qaar badani ku dhaceen, waxana laga yaabaa inaanay in badan oo aan ku jiraa siday u dadaaleen iyo nasiibkoodu is waafaqan, halka xubno aan dadaal badan u gelini guulaysteen degmooyinka qaar.

Waan ku qancay nasiibkayga, waxanan hambalyo u dirayaa labada xildhibaan ee ururka aan ka sharraxnaa ka soo baxay ee kala ah Ismaaciil Maxamuud Muuse Aadan iyo Maxamuud Maxamed Cali Hurre oo iyagu ah xildhibaannada ku soo baxay labada kursi ee RAYS Berbera ka helay.

Waxan leeyahay dhammaan musharixiinta dhacday  degmada Berbera iyo dhammaan ururada iyo xisbiyada tartamay ee degmooyinka iyo gobollada dalka haddii ay Somaliland ku guulaysatay doorashada, innagana mid dhacay iyo mid soo baxayba waa guul ee saamaxnaa kum sida khayrku ku jirana ilaahay ilaahaybaa og ee haniya intii soo baxday.

Ugu dambayn waxan u mahadcelinayaa dhammaan dadweynihii sharafta badnaa ee dhalinyarada, haweenka, waalidiinta iyo cid walba lahaa ee codkooda isiiyay doorashadii 28 Nov, 2012.

Si gaar ah waxan u mahadcelinayaa masuuliyiinta ururka RAYS ee uu ugu horreeyo Xasan Gaafaadhi iyo  dhammaan hawlwadeenadii firfircoonaa ee sida niyadsamida ah iila shaqeeyay mudadii ololaha iyo maalintii doorashada oo aanan wada xusi karin balse ay ka midyihiin Cabdi Madoobe Axmed Yuusuf,  Hodan  Gaarriye, Xasan Jaamac Cali, Shabcaan Cali Shiine, Cali Bakayle, C/qaadir Ismaaciil Cabdi, Oday Gadhyare, Kaltuun iyo xubnaha kale ee aan halkan ku xusin.

Somaliland Guul

Mahad Bile Cali Cigaal
Tel: 4017321
mahadbilecali@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>