Hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan ku yeeshay dalka Turkiga

Filed under: Wararkii ugu Dambeeyay |

Ankara Dec 05, 2012 (SDN)—Madaxweynha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxa uu kulan looga hadlayay Xiriirka u dhaxeeya labada dal kula yeeshay dhigiisa dalkaasi Cabdalle Guul.

Labada Madaxweyne ayaa islameel dhigay arrimo badan oo labada dal u dhaxeeya waxaana kulan kooda kaddib ay siwada jir ah u la hadleen Saxaafadda iyagoo sheegay in ay wada shaqeyn doonaan.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Turkiga uu balanqaaday in taageeradaas iyo kuwa ka siibadan ay u fidin doonaan dalka Soomaaliya.

Kullanka labada Mas’uul ayaa waxa qeyb ka ahaa Wasiiro labada dal ka socday kuwaasi oo iyaguna howlaha ay u magacaabanyihiin halkaasi ka qabanayay.

Madaxweynaha Soomaaliya waa safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago dalka Turkiga oo hada ka mid ah wadamada ugu horeeyay ee Soomaaliya gacanta siiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>